Feyruska korona / Soomaali (somali)

Feyruska korona

Qof walba oo naga mid ah howlqabadkiisa u gaarka ah ayuu ku yareyn karaa faafista cudurka safmarka ah ee feyruska korona.

Akhri warbixintan dheeradka ah:

Haddii aad ka shakisan tahay in feyruska korona kugu dhacay

Haddii aad ka shakisan tahay in uu kugu dhacay feyruska korona, astaamaha ku hayaana ay yihiin kuwa fudud ama khafiif ah, waxaad waqtiga ballanka saami qaadista u qabsan kartaa qaab elegtoroonig ahaan ah, adigoo galaaya barta internetka ee la yiraahdo adeegga koroonaboti. Adeegu wuxuu ku shaqeynayaa luqadaha finishka, iswidhishka iyo ingiriiska.

Hadii aad u baahan tahay caawimaad degdeg ah, Lambarka adeegga telefoonka ee xarumaha caafimaadka ee khadka korona waa 09 839 50070 (isniin-jimce, saacadda 8-18 iyo sabti-axad, saacadda 9–18). Wiikendhiga adeegga telefoonka ee xarumaha caafimaadka waxaa uu qabanayaa oo kaliya arrimaha la xiriira shakiga ah feyruska korona. Waxaa kaloo suurtaggal ah in khadka tekefoonka korona aad ku reebto farriinta ah codsiga dib u soo wicista. Kalkaalisada ayaa adeeggaas telefoonka inta uu socdo waxaa ay qiimeyn ku sameyneysaa xaaladdaada, haddii loo baahdana waxaa ay kuu direysaa baarista saamiga feyruska korona, ama waxaa ay kuu direysaa dhakhtarka jooga xarunta caafimaadka ee cudurka safmarka ah.

Mar walba dhanka telefoonka kula xiriir xarunta caafimaadka iyo qaybta heegankaba, kahor inta aadan tagin goobta. Heeganka iyo xilliyada ka baxsan waqtiga shaqada: telefoonka caawimaadda heeganka 116 117.

Barta qaadista saamiga feyruska korona ee Vantaa waxaa ay ku taallaa Varisto (Varistontie 1), waxaana ay barta saami qaadistu furan tahay maalin walba inta u dhexeysa saacadaha 8–16. Qaybta Varisto ka sokow, waxaa kaloo qaybaha saamiga baarista ah ka mid ah goobaha ay maamusho HUS, kuwaasoo ku yaaalla meelo kala duwan oo caasimadda iyo hareeraheeda ah. Marka aad ballanka qabsato waxaa laguu soo sheegayaa goobta saamiga lagaaga qaadi doono iyo cinwaanka saxda ah ee goobtaas.

Waa in la aadaa baaritaanka feyruska korona, si cudurkaan safmarka ah uusan u faafin. Waxaana haatan la heli karaa waqtiyo fiican oo saami qaadista ah, natiijadana si dhakhso ah ayay ku imaanaysaa. Waxaan dadka ku boorrinaynaa in ay qabsadaan ballanka baarista, xitaa haddii astaamaha hayaa ay yihiin kuwo fudud ama khafiif.

Xadeymaha iyo talosoojeedinnada

Bogagga internetka ee golaha dowladda waxaad ka heleysaa xadaymaha iyo talobixinta markaa taagan ee ku saabsan cudurka safmarka feyruska korona, kuwaasoo ku qoran luqadaha finishka, iswidhishka iyo ingiriiska.

Xadeymaha heerka gobol ee wali socda waxaad ka hubin kartaa bogagga internetka ee waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa, kuwaasoo ku qoran luqadaha finishka, iswidhishka iyo ingiriiska.

Saameynta ay xaaladda korona ku leedahay adeegyada Vantaa

Kooxda iskudubbaridda Koronaha ee Aagga caasimaddu waxay shirkoodi 26.11.2020 ka soo saareen go’aanno cusub oo ku saabsan soojeedinnada iyo xadaymaha lagu xakamaynayo fiditaanka safmarka ah ee deegaankooda. Heegan 5.1.2021: Xadaymihii iyo talooyinkii la soo jeediyay 26.11.2020, waxaa ay sii socon doonaan illaa iyo 31.1.2021.

Si wadajir ah aan ula dagaalno Koronaha 30.11.2020 – 20.12.2020 Ilaali in aad dadka isku jirsataan masaafo badbaadada lagu ilaaliyo, nadiifi qacmahaaga marar badan, xasuuso qaabka qufacca ee nadaafadda lagu ilaalinayo waxaanad isticmaashaa afshareer. Haddii ad leedahay calaamadaha xanuunka, isla markaasba baadhitaan iska soo qaad. Ha tagin shaqada, iskoolka, goobaha hiwaayadda ama makhaayadaha. Iska ilaali xidhiidhka wadajooga ah ee dhow illaa aad ka helayso natiijada baadhitaanka.  Guriga iyo Munaasabadaha gaarka ah: Xaddib la kulanka kaliya dadka kuu dhow. Ha qabanqaabin xafladdo ama munaasabadaha gaarka ah. Haddii aad leedahay xataa calaamadaha xanuunka oo yar, isla markaasba baadhitaan iska soo qaad. Ilaali nadaafadda wanaagsan ee gacmaha iyo qaabka quficidda ee nadiifta ah.  Gaadiidka dadwaynaha: Haddii ad awooddo, iska ilaali wakhtiyada dadku badanyihiin. Isticmaal af-shareerka.  Dukaamada iyo suuqyada: Isticmaal af-shareer, xasuuso in aad dadka isku jirsataan in badbaadada lagu ilaalinayo. Markaad soo galayso iyo marka ad ka baxayso isticmaal dawada gacmaha jermiska lagaga dilo.  Goobaha shaqada: Haddii ay suuro gal tahay, shaqada aanan xafiiska la la tagayn ee guriga lagu qabanayo samee. Xasuuso in aad dadka isku jirsataan masaafo badbaadada lagu ilaalinay, iskana ilaali xidhiidhka wadajoogga ah ee dhow iyo isticmaal af-shareerka.  Xannaano-maalmeedyada: Isticmaal af-shareerka marka ad ilmahaaga xannanada keenayso ama ka kaxaynayso.  Iskooladda iyo xarumaha waxbarashada: Xasuuso in aad dadka isku jirsataan masaafo badbaadada lagu ilaalinay iyo nadaafadda gacmaha. Ku isticmaal dugsiyada dhexe af-shareerka. Dugsiyada sare, iskuulaadka xirfadaha, jaamacadaha iyo kansalaisopisto waxay u wareegeen waxbarashada guriga ama iskoolka kabaxsan.  Makhaayadaha: Xasuuso in aad dadka isku jirsataan masaafo badbaadada lagu ilaalinay iyo nadaafadda gacmaha. Wakhtiyada furnaanshaha iyo wakhtiyada khamriga la iibiyo iyo sidoo kale macaamiisha tiradooda waa la xadeeyay.  Goobaha dadka ka dhaxeeya ee gudaha lagu jiro: Musiyumyada, xarumaha dhaqanka iyo xarumaha dhalinyarada ayaa la xiray. Isticmaalka maktabyada ayaa xaddidan. Maktabyada ku isticmaal af-shareerka.  Hiwaayadaha (isboortiga): Xaruumaha gudaha isboortiga ee magaalada waa la xiray. Dhamaan isboortiga gudaha ayaa la joojiyaya iyo sidoo kale isboortiga banaanka dadka da´da 20 sano ka wayn.  Dhacdooyinka dadweynaha (isboortiga, dhaqanka iyo munaasabadaha kale): Dhacdooyinka dadwaynaha waa mamnuuc gudaha iyo bannaanka. Marka laga reebo kuwa sharci ah iyo shirarka sharciga joogtada ah. (waxaa lagu xadeeyay 10 qofood).  Adeegyada sooshalka iyo caafimaadka: Marka aad meel dan ka leedahay isticmaal af-shareerka. Kala sii heshii booqashadaada isbitaalada iyo goobaha daryeelka wakhti hore.  Safridda: Marka aad waddanka gudihiisa ku safrayso ilaali hagitaanadda caafimaadka iyo badbaadada. Haddii ad u safartay waddamo la xadeeyay, waa in aad raacdaa hagitaanadda karaantiilka. Haddii ad safrayso, adiga oo caafimaad qaba oo kaligaata safar.  Soo dajiso koronavilkku: www.koronavilkku.fi. Ciddii 15 sano ka wayn waxaa lagula talinayaa inaay isticmaalaan af-shareerka.  Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa, HUS iyo maamulgoboleedka nawaaxiga Koonfurta Finland.

Warbixin iyo hagis

Infofinland.fi- boggaan internetka waxaad si kooban uga heleysaa dhammaan xiriiriyayaasha ku saabsan warbixinaha ay soo baahiyeen howlwadeennada dowladda ee la xiriira feyruska korona iyo saamaynta uu ku yeeshay dalkan finland gudihiisa.

Telefoonka hagista ee Vantaa (tel. 09 8395 0070) waxaa loogu talaggalay dhammaan dadweynaha reer Vantaa, kuwaasoo ka fekeraaya ama raadinaaya in ay ogaadaan, sida uu feyruska korona saamaynta ugu yeelanaayo noloshooda caadiga ah iyo adeegyada magaalada. Lambarkaan telefoonka waxaa loogu adeegaa dadweynaha reer Vantaa maalmaha shaqada, saacadda 8–15.30. Luqadaha koowaad ee adeegga waa finish, iswidish iyo ingiriis. Sidoo kale wixii su’aal ah ee aad qabto waxaad ku soo diri kartaa iimeeylkaan korona@vantaa.fi, hadii soo wicitaanku uu kuu suurtagali waayo sababo jira awgood.

Hagista ku saabsan adeegyada magaalada Vaantaa iyo xaaladda aan caadiga ahayn, waxaad ku heleysaa dhanka telefoonka ama iimeylka, isniin-khamiis, saacadda 11–14.

Mashruuca Tsempataan (Tsempataan-hanke) waxaa uu u fidinayaa dadweynaha reer Vantaa hagis ku baxeysa luqadaha kala duwan oo dhanka internetka ama adigoo jooga xarunta mashruuca talaada-jimce, saacadda 10–15.

  • Finish, ruush: Valeria Komina (Vantaan venäläinen klubi), tel. 044 948 9220 (WhatsApp, Viber), tsemppari@vvklubi.fi
  • Finish, carabi, faransiis: Abdul Lamghari (Hakunilan kansainvälinen yhdistys), tel. 044 493 2093 (WhatsApp), tsemppari@hakunila.org
  • Finish, soomaali: Saed Mohamed (Itä-Vantaan somalikulttuuri yhdistys), tel. 045 1447 821 (WhatsApp), saciidqeys@hotmail.com
  • Finish, Soomaali: Mubarak Osman (Sahan-seura), tel. 045 2681 100 (WhatsApp), tsemppari@sahanseura.net

Intaas waxaa dheer bogga fasybuugga ee mashruuca Tsempataan waxaa toddobaad walba lagu soo qoraa warbixin luqado kala duwan ku qoran oo kala ah finish, ruush, carabi iyo soomaali.

Ururka Järjestörinki ee Vantaa ayaa isaguna u fidiya dadka ajaanibta ah taageero ku saabsan xaaladaha kala duwan ee nolosha, waxaana adeeggaas uu ururku ka bixiyaa saddexda goobood ee hagista ee kala duwan.

Xarunta howlaha qaranka ee Leinikki, Leinikkitie 22 A. isniin iyo arbaca walba waxaa ay dadka siiyaan hagis ku baxaysa luqadaha carabiga, faransiiska, ruushka, jeejniya, inguushi, finish iyo ingiriis, saacadda 9–15. talaada iyo khamiis walba waxaa ay dadka siiyaan hagis ku baxaysa luqadaha carabiga, faransiiska, dari, faarisi, pashtuu, finish iyo ruushka, saacadda k9–15.

  • Samia Kbairi (carabi, faransiis, finish) tel. 050 330 6927 (sidoo kale WhatsApp-ka iyo Viber-ka)
  • Zara Makhieva (ruush, jeejniya, inguushi, finish) tel. 045 7834 8754 (sidoo kale WhatsApp-ka)
  • Ziaulhag Momeni (daari, faarasi, paashtuu, ruush, finish) tel. 045 134 1711 (sidoo kale WhatsApp-ka iyo Viber-ka)

Xarunta dadweynaha Myyrinki, Vaskivuorentie 10 B, dabaqa 3-aad. Hagis ku baxaysa luqadaha carabi, soomaali, ingiriis iyo finish, isinninta - khamiista saacadda 9.30–14.30. Hagis ku baxaysa luqadaha ruush iyo finish, isnnin, talaada iyo khamiis walba, saacadda 9–16 ja arbaco kasta saacadda 9–14.

  • Ruush, finish: Sergei Jernberg, p. 045 7875 8933, sergej.jernberg@vantaalla.info (isniin-Jimce, saacadda 9–15)
  • Ruush, finish: Irina Grönlund, p. 040 183 0930
  • Carabi, somali,ingiriis iyo finish: Alawi Abdalla, p. 0400 986 011

Xarunta dadweynaha Kafnetti, Rautkallionkatu 3. hagis ku baxaysa luqadaha dari, farsi, pashtuu, finish iyo ruushka, arbaco kasta saacadda 9–15.

Linkiyo faa’iido leh

Ka hor tag faafidda fayruska korona