Tallaal looga hortegayo caabuqa koroonaha

Waxaan boggaan internet-ka kusoo uruurineynaa xogta xaaladda la xiriirka tallaallada. Haddii aad la socotid boggaan, waxaa kuu suurtogaleysa in aad ka warqabtid xaaladda tallaalka ee Vantaa iyo arrimaha ku saaban jadwallada tallaalka ee kooxaha kala duwan ee bulshada.

Tallaalka koroonaha ee Vantaa

Finland magaalooyinka ayaa ka mas’uul ah in ay tallaalaan dadka deggan deegaannada ay maamulaa. Waxaa todobaadka 1aad magaalada Vantaa laga billaabayaa tallaalka koroonaha.

Tallaalka caaabuqa koroonuhu wuxuu ku siinayaa difaac looga hortegayo cudurka caabuqa koroonaha iyo gaar ahaan qaababkiisa dar daran. Marka ugu horreysa waxay Finland heleysaa tallaalka caabuqa koroonaha oo xaddidan, ayadoo sidaas daraadeedna ay marka ugu horreysa suurtogal tahay in la siiyo kooxo bartilmaameed ah oo cayiman oo keliya. Si waafaqsan qorshaha tallaalka koroonaha ee Finland.

  • Waxaa tallaalka koobaad la siinayaa dhakhaatiirka iyo kalkaaliyeyaasha, kuwaas oo daaweeya bukaannada uu haleelay caabuqa koroonaha ama dadka waayeellada ah.
  • Waxaa kusoo xiga oo tallaalka la siinayaa dadka halista ugu jira in uu haleelo xanuunka caabuqa karoonaha oo daran. Waxaa tusaale ahaan ka mid ah dadkaas waayeellada iyo dadka qaba xanuunnada daran.
  • Intaas kadib waxaa tallaalka la siinayaa dhammaan dadka kale ee qaangaarka ah.

Qaadashada tallaalku maaha mid khasab ah. Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa wanaagsan in tallaalka la qaato, sababtoo wuxuu gaar ahaan kaa difaacayaa in ay ku haleelaan jirrooyinka caabuqa koroonaha ee daran. Waxay tallaalladu shaqeynayaan muddo dhowr bilood ah. Tallaalka caabuqa koroonuhu lacag la’aan ayuu kuu yahay adiga.

Ballan ka qabsashada tallaalka koroonaha

Tallaalka koroonaha ee Vantaa waxaa loo hirgelinayaa si qeyb qeyb ah. Waxaa qof kasta oo reer Vantaa ah oo sannadkaan buuxinaya 70 sano loo dirayaa warqad ay ku qoran tahay warbixinta xilliga uu billaabanayo tallaalka koroonaha. Dadka ay da’doodu intaas ka yar tahay waxaa lagula talinayaa in ay la socdaan boggaan, si ay u ogaadaan sida uu tallaalku u socdo, iyo weliba sidii ay ballanta tallaalka u qabsan lahaayeen, marka lasoo gaaro tallaalidda dadka da’dooda ah.

Wuxuu qorshaha tallaalku si tartiib tartiib ah usoo kala caddaanayaa inta lagu jiro xilliga guga, waxayna ku xiran tahay hadba inta ay le’eg tahay tirada tallaallada ee yimid.

Marka la tagayo goobta tallaalka waa in ballan laga qabsadaa. Waxaan codsaneynaa in ay muhiimadda koowaadi tahay in ballamada laga qabsado cinwaanka internetka ee ah www.koronarokotusaika.fi. Haddii aysan suurtogal aheyn in ballamada laga qabsado internetka, waxaad markaas ballanta ka qabsan kartaa khadka taleefanka ee lambarkiisu yahay 09 5844 3030 (Isniin - Jimco, saacadda 8-16). Waxaad lambarkaas u dhaafeysaa codsi ah in dib laguu soo waco, waxaana lagaa soo wici doonaa halkaas, markii ay bannaanaadaan xilliyada tallaalka. Lambarka taleefanka waxaa keliya ee loogu talogalay in lagu qabsado ballamaha dadka la joogo xilliga tallaalkooda, looguma talogelin in arrimo kale lagu weydiiyo, si uusan khadku ciriiri u noqonin.

Si ay tallaalladu si wanaagsan ugu socdaan, waxaa lagu talinayaa in islamarkiiba intii suurtogal ah ay dad badani qabsadaan ballanta tallaalka, markii uu billowdo tallaalka dadka da’daada ah. Haddii sabab kastaba haku timaaddee aysan suurtogal aheyn in aad islamarkiiba ballan qabsato, waxaa si kastaba arrintu ha noqotee suurtogal ah in aad mar dambe ballanta qabsatid.

Wuxuu tallaalku ka kooban yahay labo jeer oo tallaal ah.

Waxaa ballamaha loo furayaa si loo qabsado, hadba sida loo helo tallaalka cusub ee labaad. Mar walba waa diyaar ballamuhu wixii ka dambeeya todobo maalmood. Haddii aanan lasoo gelinin wax ballammo ah oo la qabsan karo, waa in aad mar kale ballanta tijaabisaa maalinta ku xigta.

Waxyaabaha ay tahay in la ogaado: Haddii uu kugu dhacay caabuqa koroonuhu, waad is tallaali kartaa, balse waxaa wanaagsan in aad is tallaashid 1-3 bilood kadib markii ay kugu billowdeed calaamadaha koroonuhu.

Muddo intee le’eg ayaan uga adkaan karnaa safmarka caaabuqa koroonaha, mar haddii aan isticmaaleyno tallaalka?

Inta la tallaalo dhammaan dadka tallaalka doonaya oo dhan waxay qaadaneysaa muddo bilooyin ah. Horey u socodsiinta tallaaladu waxay ku xiran tahay hadba sida ay shirkadaha daawooyinku u awoodaan in ay usoo saaraan tallaallada, iyo weliba sida ay noogu suurtogasho in aan tallaallada ugu qeybino goobaha tallaalka.

Marka tallaallada la billaabo si deg deg ah bulshada looguma celin karo noloshii caadiga aheyd, balse taas bedelkeeda wuxuu isbedelku u dhacayaa si tartiib tartiib ah. Suurtogalnimada in loo laabto noloshii caadiga aheyd, waxay ku xiran tahay waxyaabaha ay ka midka yihiin waxtarka tallaallada iyo awoodda uu u leeyahay in uu ka hortago xanuunnada dar daran ka sokow sidoo kale is-qaadsiinta caabuqa koroonaha. Marka uu ugu fiican yahay xanuunnada dar daran dhimashada ka sokow wuxuu sidoo kale tallaalku ka hortegayaa caabuqa qarsoon iyo is-qaadsiintiisa. Si kastaba arrintu ha ahaatee weli lama oga in tallaallada koroonuhu ay ka hortegayaan is-qaadsiinta caabuqa ee uu qofba qofka kale qaadsiinayo. Xogta ku saabsan arrintaani waxay soo kala caddaaneysaa marka ay soo aruuraan xogaha baaritaanka.

Sidoo kale weli wax xog ah lagama hayo arrinta ah, inta ay le’eg tahay muddada uu shaqeynayo difaaca tallaalku, sababtoo ah tallaallada hadda lasoo saarayo ma aysan aheyn kuwo muddo dheer la isticmaalayey. Markii ay xogtu soo aruurto, waxaan sidoo kale heleynaa xog ku saabsan suurtogalnimada haddii loo baahan yahay xoojinta tallaalka.

Ma waxaa looga baahan yahay qofka tallaalka qaatay in uu weli ilaaliyo masaafada dadka u dhexeysa iyo in uu qaato af-xirka?

Marka tallaalka la qaato kadib, waxaa weli muhiim ah in la ilaaliyo masaafada u dhexeysa dadka, in la iska ilaaliyo isku imaanshaha dadka iyo goobaha ay dadka badani isugu yimaadaan, in laga taxaddaro nadaafadda gacmaha iyo qufaca, in la isticmaalo af-xirka, markii aysan suurtogal aheyn in la ilaaliyo masaafada u dhexeysa dadka, iyo weliba in baaritaanka loo deg dego markii la isku arko calaamadaha. Tallaallada kadib muddo dhowr bilood ah ayey weli qaadaneysaa in la gaarayo in difaaca jirka ee heer bulsho ee ka hortaga xanuunka iyo in laga adkaado safmarka.

Talaalka karoonaha ee Vantaa

Talaalka karoonuhu wuxuu qofka ka ilaalinayaa inuu ku dhaco cudurka karoona-fiirus, wuxuuna si gaar ah uga hortagayaa noocyadiis halista ah.

Waxaad balan inaad is talaasho ah ka qabsataa talaalka lacag la'aanta ah ciwaanka internetka www.koronarokotusaika.fi ama taleefanka dib laguu soo wacayo lambarka 09 5844 3030 (Isniin ilaa Jimce saacaddaha 8-16).

Talaalka Vantaa xarumaha aad ka helayso waa

» Hiekkaharjun Varia

» Korso Lumo

» Myyrmäki Energia Areena

» Sanomala (Saamigatalaal ee 2:aad oo keli ah)

Kala soco sida talaalku u socdo iyo marka la soo gaarayo wakhtiga lagu talaalayo ee balantaadu ay tahay ciwaanka internetka www.vantaa.fi/koronarokotukset

Ka taxadar nadaafadda wanaagsan iyo qalabka la iskaga ilaaliyo koronaha, sidoo kale taxadar talaalka ka dib. Dhaq gacmahaaga inta badan oo kaliyana ku qufac fasaleeti (waraaqaha sanka) ama gacantaada suxulkeeda (laabatada). Raac oo isticmaal mar kasta waxyaalaha la soo jeediyey sida af iyo san xirka, haddii aad calaamado isku aragtana aad goobaha lagu baaro karoonaha.

Faahfaahin dheeri ah: