Qeybinta afshareerka (kasvomaski) / Soomaali (somali)

Magaalada Vantaa ayaa waxaa sida uu ahaa go’aankii dowladda ay u qeybinaysaa afshareer lacag la’aan ah dadka hantida yar iyo kuwa tabarta daranba. Dadka kale ee reer Vantaa waa in ay iyagu si iskood ah u raadsadaan afshareerkooda. Qeybinta afshareerku waa mid ku dhisan is aaminaad, taasoo loola jeedo in qofku wixii uu sheegto la aaminaayo, oo aan goobaha lagu qeybinaayo looga baahneyn qofka in uu tuso ama wato wax caddayn ah oo hantidiisa ku saabsan. Qeybtinta afshereerku waxaa uu goobaha kala duwan ee magaalada Vantaa ka bilaaban doonaa 20.8.2020.

Gaarhayayaasha ama waardiyayaasha goobta ayaa laga bilaabo khamiista waxaa ay ku qeybin doonaan afshareerka xilliyada ay furan yihiin goobaha magaalada Vantaa ee hoos ku qoran :

  • Katriinan sairaala (isbitaalka Katariina), Katriinankuja 4
  • Hakunilan terveysasema (Rugta caafimaadka Hakunila), Laukkarinne 4
  • Länsimäen terveysasema (Rugta caafimaadka Länsimäki), Keilakuja 1
  • Koivukylän terveysasema (Rugta caafimaadka ee Koivukylä), Karsikkokuja 15
  • Myyrmäen terveysasema (Rugta caafimaadka ee Myyrmäki), Jönsaksentie 4
  • Tikkurilan terveysasema (Rugta caafimaadka ee Tikkurila), Kielotie 11A
  • Verso, Vernissakatu (Xarunta adeegga ajaanibta ee Verso) 8, 1. krs.
  • Myyrmäen päihdepoliklinikka (isbitaalyaraha maandooriyaha ee Myyrmäki), Liesikuja 7B, 2. krs.
  • Tikkurilan päihdepoliklinikka (isbitaalyaraha maandooriyaha ee Tikkurila), Kielotie 20C, 2. krs.

Sidoo kale waxaa afshareerka lagu qeybinayaa xafiisyada ururka badbaadada carruurta ee Mannerheim:

Koivukylän kohtaamispaikka (barkulanka Koivukylä), Karsikkokuja 17
Hakunilan yhteisötalo (Daarta Hakunila), Laukkarinne 6, 3. krs.

Fiiro gaar ah! Rugta caafimaadka koronaha ee Maartinlaakso laguma qeybinaayo afshareerka.

Sidoo kale waxaa afshareerka magaalada lagu qeybinaayo ka qeybqaadanaaya ururrada hoos ku qoran:

  • Alvi Ry
  • Auttava sydän
  • Elämänlaatu ry
  • Hakunilan kyläyhteisö ry
  • Hakunilan Kansainvälinen yhdistys
  • Hakunilan Mielenterveysseura ry / Ystävänkammari
  • Joosua Missio
  • Korson ruokapalveluyhdistys ry
  • Korson Työttömät ry
  • Martinlaakson kyläyhdistys
  • R3 Maahanmuuttajanuorten tuki ry
  • Somfin ry
  • Takaisin Elämään ry
  • Tikkurilan klubitalo ESKOT ry
  • Vahti ry
  • Vantaan A-Kilta ry KILTAKOTI
  • Vantaan A-Kilta ry
  • Vantaan A-Kilta ry - Myyrmäki
  • Vantaan järjestörinki ry
  • Vantaan Kuuloyhdistys ry
  • Vantaan mielenterveysyhdistys Hyvät tuulet
  • Vantaan työnhakijat ry
  • Hakunilan Kotikirkko
  • Liesikappeli
  • Länsi- Vantaan vapaaseurakunta
  • Vantaan Kotikirkko

Waxaa intaa dheer oo afshareerka macaamishooda u qeybinaaya dadka ka qeybta ah kooxha khaaska ah, sida qeybta adeegyada degaanka Vantaa (Vantaan omat asumispalvelut) iyo qeybta hawlmaameedka iyo shaqada.

THL:n sivuilta (bogga hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee THL) waxaa laga helayaa jawaabaha su’aalaha la xiriira afshareerka iyo tilmaanbixinta ku saabsan qaabka loo isticmaalaayo.

Ka hor tag faafidda fayruska korona