Tallaalka looga hortagaayo feyruska korona

Waxaan boggaan ku soo uruurinay macluumaadka la xiriira tallaalka ee ku qoran luqaddaada hooyo.

Faa’iidooyinka tallaalka korona

Tallaallada korona waa kuwo ku habboon dhammaan dadka oo dhan. Awoodda ilaalinta ee dhammaan tallaallada feyruska korona waa kuwo ku haboon kahortagga cudurka feyruska korona ee aadka u daran. Dalkaan Finland waxaa tallaalka korona la siiyaa dhammaan dadka da’doodu gaartay 5-ta sano, ee doonaaya in ay qaataan tallaalka. Tallaalladu waa kuwo bilaash ama lacag la’aan ah, waxaana la siiyaa kooxaha kala duwan ee dadka, iyadoo la raacaayo nidaamka loo dejiyay ee tallaalka feyruska korona ee dalkaan Finland. 

Tallaalka waxaa uu ku siinayaa oo si aad u fiican kaaga ilaalinayaa feyruska korona iyo cudurka korona.Tallaalku waxaa uu yaraynayaa faafista feyruksa uu ku dhex faafaayo dadka dhexdiisa, waana sababtaas midda qofka la tallaallay uu u ilaalinaayo xittaa tusaale ahaan, dadka waayeelka ee ehelekiisa ah. Tallaalku kama koobna wax feyruusyo nool oo feyruska korona ah, sababtaas awgeed ayaadan tallaalka uga qaadaynin feyruska korona. Tallaalka wuxuu barayaa unugyada jirkaaga in ay iska difaacaan feyruska korona. 

Waxyeellooyinka feyruska korona

Waxaa dhici karta in tallaalku uu yeesho waxyeellooyin. Astaamaha waxyeellooyinkaas waxaa isku arka dadka la tallaallay qaarkood, inta ugu badanna waa kuwo fudud oo si dhakhso ah ku baaba’aaya.

Tallaalka kaddib waxaa dhici karta in goobta la tallaalay ay xanuunto, islamarkaana ay noqoto cassaan ama guduud. Waxaa dhici karta in aad dareento daal, madax-xanuun ama waxaaba dhici karta in murquhu ay ku xanuunaan. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in tallaalka uu keeno xummad ama qandho, amaba aad dareento xanuun.

Astaamaha khafiifka ah waxaa ay bilowdaan laba maalmood gudahood laga soo bilaabo marka qofka la tallaallay. Waxaana ay ku baaba’ayaan dhowr sacaadood ama dhowr maalmood gudahood. Waxaa kuwaas lagu daryeeli karaa daawooyinka xanuun baabi’iyayaasha ah. Astaamaha fudud ee ka dhashay tallaalka, ma ahan kuwo horistaagaya qaybaha sii socda ee tallaalka. 

Falcelinnada naadirka ah ee tallaalka korona waxaa ay kala yihiin: 

  • Falcelin xasaasiyadeed 
  • Caabuqa ama infekshanka murqaha wadnaha

Intii la isticmaalaayay tallaalka korona kama soo ifbixin waxyeellooyin aad u daran, kuwaasoo soo ifbixi karay dhowr bilood tallaalka kaddib. Ammaanka tallaalka feyruska korona si joogto ah ayaa loola socdaa dalkaan Finland iyo heer caalami ahaan ah. 

Waa maxay sababta ay tallaal qaadashadu uga fiican tahay halkii uu kaaga dhici lahaa cudurka korona?

Si aad u weyn ayay uga ammaan fiican tahay in aad qaadato tallaalka korona, halkii aad ka qaadi lahayd cudurka korona. Faa’iidooyinka iyo waxyeellooyinka tallaalka korona hore ayaa loo baaray, waxaana loo garanayaa si aad u wanaagsan. Inta ugu badan waxyeellooyinkaas waa kuwo fudud oo si dhakhso ah ku baaba’aaya. Waxyeellooyinka aadka u daran waa kuwo naadir ah, waana kuwo la yaqaan qaabka loo daryeelaayo.

Waxyaabaha ka dhalan kara feyruska korona waa kuwo aan la sii qiyaasi karin. Si dhab ah hore looguma sii ogaan karo, in tallaalka korona marka la eego adiga ahaan uu dhankaaga yahay mid aad kuugu daran iyo inkale, ama ay ka dhalan karaan cuduro dambe ama astaamo muddo dheer sii socda. Waxaa wali socda baarista ku saabsan daryeel wanaagsan oo loo helo feyruska korona, laakiin illaa iyo haatan ma jiraan wax ku saabsan daawayn ama qaab daryeel ah oo la hubo oo la xiriira feyruska korona.

Tallaalka Korona ee degmada Vantaa

Waxaad goobta tallaalka imaan kartaa, adigoo aan wax ballan hore u soo qabsan.

Goobaha tallaalka ee Vantaa waxaa ay kala yihiin: 

  • Varia, Hiekkaharju (Tennistie 1) 
  • Myyrmanni, Myyrmäki (Iskoskuja 3)

Waxaad ogaataa in kahor intaadan gelin goobta tallaalka, ay dhici karto in wax xoogaa muddo ah aad bannaanka ku sii sugto, si aan u helno arrinkii ahaa kala fogaanshaha 2-da mitir. Qofka wehelka u ah kan la tallaallaayo, waxaa kaliya oo uu goobta tallaalka soo geli karaa, haddii uusan qofka la tallaallaayo kaligiis isku dabbari karin goobta tallaalka. Goobta tallaalka waa in la isticmaalaa afshareerka, lagana taxaddaraa nadaafadda caafimaadka ee wanaagsan. 

Cidda loogu talaggalay

Dadka ka tirsan kooxaha loogu talaggalay tallaalka, waxaa ay tallaalka ka raadsan karaan meel kasta oo kamid ah goobaha tallaalka korona ee Vantaa. 

 

Tallaalka korona ee koowaad iyo labaad. Waqtiga u dhexeeya labada tallaal waa 6-12 toddobaad. 

  • Dhammaan ilmaha buuxiyay dad’da 12 sano, waxaa ay ku imaan karaan wakhtiga ballan qabsashada ama si toos ah ayay u imaan karaaan goobta tallaalka ee tooska loo imaanaayo (walk in). 
  • Dhammaan ilmaha da’doodu u dhexeyso 5-11 sano jir, waxaa ay ku imaan karaan oo kaliya in ay qabsadaan wakhtiga ballan qabsashada.

Tallaalka saddexaad 

  • Dadka buuxiyay da’da 60-ka sano iyo kuwa xaaladdooda caafimaad awgeed ku jira kooxda u nugul halista cudurrada. Waxaa la siinayaa marka 3 bilood ka soo wareegto tallaalka 2.aad wakhtiga ballan qabsashada ama goobaha sida toos ah loo tago ee aan u baahnayn ballan qabsashada ee loo yaqaan (Walk in). 
  • 18-59-sano jir: 4 bilood laga soo bilaabo tallaalka 2.aad.

Tallaalka xoojinta ee afaraad waxaa loogu talaggalay dadka uu difaacooda jirka si aad u daran u hooseeyo, in la siiyo 3-4 bilood marka ay ka soo wareegto tallaalka saddexaad. Waxaana lagu siinayaa wakhtiga ballan qabsashada ama si toos ah goobta (walk in) ee aan u baahnayn wakhtiga ballan qabsashada. 

Shahaadada korona ee Midowga Yurub 

Shahaadada korona ee Midowga Yurub waxaa ay ka kooban tahay saddex shahaado oo kala duwan: 

- shahaadada tallaalka korona 

- shahaadada negetiifka ah (aan cudurka laga helin) ee natiijada baarista korona 

- shahaadada ku saabsan in cudurka korona uu qofka ku dhacay.

Shahaadada feyruska korona ee Midowga Yurub waxaa uu qofku ka soo dejisan karaa cinwaanka omakanta.fi. Sidoo kale waxaa xarumaha daryeelka caafimaadka aad ka codsan kartaa shahaadada korona ee waraaq ahaanta ah. 

Avainsanat

SomalinkielinenKoronavirusCovid-19Rokotus