Feyruska korona / Soomaali (somali)

Feyruska korona (covid19) waa feyrus cusub, kaasoo keena caabuq ama infekshan degdeg ah oo ku dhaca habdhiska neefsashada jirka. Astaamihiisa waxaa ay noqon karaan, qufac, cunaha ama dhuun xanuun, qandho ama xummad, neefsashada oo adkaata, murqo xanuun iyo madax xanuun. Astaamahaas oo kaliya iyadoo lagu salaynaayo laguma ogaan karo, in waxa keenay caabuqa ama infekshanka neefsashada uu yahay feyruska korona ama in ay feyrus iyo bakteeriyo kale sababeen.

Hawlihii xadaynta ahaa ee ay dawladdu samaysay awgeed, ayaa waxaa dalkaan Finland gudihiisa lagu guulaystay in si fiican gacanta loogu dhigo faafitaanka xanuunkaan. Inkasta oo xadayntaas la bilaabi doono in si tartiib-tartiib ah loo qaado, haddana waxaa muhiim ah in qof kastaa uu u hoggaansamo tilmaanbixinta la siiyay, waayo wali xaaladdu waa mid aad khatar u ah.

Qof walba isaga ayaa saameyn ku yeelan kara sidii loo yarayn lahaa faafista xanuunkan safmarka ah ee feyruska korona.

  • Si taxaddar leh mar walba u dhaq gacmaha, adigoo isticmaalaaya saabuun iyo biyo. Gacmaha iska dhaq ugu yaraan muddo 20 seken ah. Si fiican u qalaji gacmaha.
  • Ha taataaban indhaha, sanka iyo afkaba, haddii aadan markaas aad taabanayso faraha iska soo dhaqin.
  • Markaad qufacayso ama hindhisayso afkaaga dabool. Tusaale ahaan waxaad isticmaashaa waraaqaha sanka ama gacantaada inta suxulka ka sokeysa. Ha ku qufacin ama ha ku hindhisin calaacashaada ama sacabbadaada. Waraaqda sanka waxaad ku riddaa bacda qashinka.
  • Guriga joog, haddii aad isku aragto astaamihii hargabka.
  • Ha ka qeybgalin isu imaanshaha ah wixii ka badan 50 qof.
  • Marka aad dukaanka wax ka soo iibsanayso ama aad bannaanka lugaynayso, dadka kale ka fogow qiyaastii masaafo dhan 1-2 mitir.

Dadka waayeelka ah si ka adag oo ka khatar badan sida dadka dhalinyarada ah, ayuu iyaga ugu dhici karaa xanuunka feyruska korona, waxaana dhici karta in ay u baahdaan daryeel isbitaal oo aad u badan, amaba in laga helo astaamo khatar ku ah nolosha qofka. Haddii aad tahay qof jira 70 sano iyo wixii ka weyn, marnaba adiga iyo dadka kale ha u kulmina si fool ka fool ah, hana u bixin guriga bannaankiisa. Dadka ehelkaaga waxaad kula xiriirtaa dhanka telefoonka ama internetka. Dadka 70.ka sano ka wayn waa in ay sidan yeelaan.

Hawlihii xadaynta ahaa ee ay dawladdu samaysay awgeed, ayaa waxaa dalkaan Finland gudihiisa lagu guulaystay in si fiican gacanta loogu dhigo faafitaanka xanuunkaan. Inkasta oo xadayntaas la bilaabi doono in si tartiib-tartiib ah loo qaado, haddana waxaa muhiim ah in qof kastaa uu u hoggaansamo tilmaanbixinta la siiyay, waayo wali xaaladdu waa mid aad khatar u ah.

Haddii aad ka shakisan tahay in feyruska korona kugu dhacay

Waxaad samaysaa qiimeynta elegtoroonigga ee dhanka internetka ah, waxaad halkaas ka heli doontaa tilmaanbixin ku saabsan wixii aad samayn lahayd. Adeeggu waa mid ku qoran luqadaha finishka, iswidishka iyo ingiriiska. Annaga ayaa kula soo xiriirayna, haddii xaaladdaadu ay wax ka qabasho u baahan tahay.

Dhammaan shakiga la xiriira feyruska korona lama baaro, waxaana qaaditaanka saamiga diiradda la saari doonaa saami ka qaadista kooxaha la xadiday. Inta ugu badan dadka uu ku dhacay xanuunka feyruska korona-ha, waxaa ay ku bogsadaan muddo toddobaad gudihiis ah oo ay ku nasanayaan gurigooda, iyagoo aan u baahan wax daryeel dhakhtar ah. Astaamaha xanuunka waxaa lagu khafiifin karaa, in la cuno kiniiniga xanuun baabi’iyaha ah ama in la isku uumiyo mishinka yar ee lagu neefsado (höyryhengitys).

Haddii isku daryeelidda guriga ay waxba kaa tari weydo, waxaad soo wacdaa lambarka adeegga ee xarunta caafimaadka tel. 09 839 50 000, maalmaha shaqada, saacadda 8-16. Galbihii iyo maalmaha fasaxa toddobaadka (sabtida iyo axada), waxaad soo wacdaa lambarka heeganka, tel. 116 117. Mar walba oo aad isaga shakido feyruska korona-ha telefoon kula soo xiriir xarunta , kahor inta aadan aadin xarunta caafimaadka ama xarunta heeganka.

Taagero iyo talosiin

Dadka ajaanibta ah ee deggan Vantaa waxaa la siinayaa talosiin ku saabsan adeegyada magaalada, xaaladda aan caadiga ahayn ee lagu jiro, waxaana lagu siin doonaa dhanka telefoonka ama iimeylka, maalmaha isniin-khamiis, saacadda 11-14.

Mashruuca Tsempataan ee luqadaha kala duwan oo dhanka internetka ah, waxaa loogu adeegayaa dadka reer Vantaa talaada-jimce, saacadda 10–15.

Ururuka Vamos Vantaa waxaa ay kuu fidiynayaan taageero ku saabsan ka shaqynta laylisyada ama shaqada guriga ee ardayda ajaanibta ah ee iskuullada dhigata. Tusaale ahaan waxaa waalidiinta laga caawin karaa isticmaalka Wilmada. Adeeggu waa luqadaha Soomaali, finish iyo ingiriis. Idiris Farah, tel. 050 471 1812, idiris.farah@hdl.fi. Shirwa Gurhan, tel. 050 471 2218, shirwa.gurhan@hdl.fi.

Dhalinyaradu waxaa ay ku sheekeysan karaan oo ku ciyaari karaan R3 oo ah kanaal luqadaha finishka, ingiriiska iyo soomaaliga ah oo loogu talaggalay taageerista dhalinyarada ajaanibta ah: https://discord.gg/NS4JH4p. Taageero iyo hagis dhanka internetka oo maalmaha shaqada, waxaad kala soo xiriir kartaa: facebook.com/R3Maahanmuuttajanuortentuki

Haddii aad Kelada ku heli waydo dhanka internetka, waxaad soo wici kartaa adeegga ingiriiska ee maalmaha shaqada, saacadda 9–15 (arimaha degaanka iyo qoyska, ardayda, dadka baagamuudada ama shaqo la’aanta ah, tel. 020 634 2550, caafimaadka iyo hawlgabka: tel. 020 634 2650). Isniinaha, arbacooyinka iyo jimcayaasha saacadda 9–12, waxaad soo wici kartaa luqadda soomaali (tel. 020 6344 905).

Caawimaadda dano dhamaysiga ee dadka da’doou ka waawayn tahay 70-ka sano ee ku jira karantiinka iyo kuwa kale ee u nugul halista cudurka, waxaa ay ka heli karaan lambarka telefoonka 09 8395 0460 maalmaha shaqada saacadda 8–15.30. Adeeggu wuxuu idiin fidinayaa dano dhameysi ammaan leh oo dhanka adeegga dukaamada iyo farmasiyaha ah. Caawimaddaas dano dhamaysiga ah waxaa loogu talaggalay dadka da’doodu ka weyn tahay 70-ka sano iyo kuwa kale ee u nugul halsita cudurka, kuwaasoo aan heysan wax ehel ah oo iyaga u soo dhammeynaaya danahooda ama farmasiyaha.

Ururka Yhteinen pöytä waxaa ay qaybinayaan raashin, Taasoo loogu talaggalay dadka xaaladdooda dhaqaale ay liidato inta lagu guda jiro xaaladdaan degdegga ah, guriga ayaana loo keenayaa. Adeegga waxaa lagala soo xiriiri karaa telefoonka 09 8395 0450 maalmaha shaqada saacadda 9–12.

Ganacsadow, ma u baahan tahay taageero xanuunkaan safmarka feyruska korona awgiis? Qoraal kooban oo luqadda ingiriiska oo tilmaanbixinno kala duwan ah ee BusinessVantaan, waxaad ka heleysaa cinwaanka internetka.

Wasaaradda shaqada iyo qutul daruurigu waxa ay soo saaraysaa warbixino ku saabsan feyruska korona saamaynta uu leeyahay oo ku qoran luqadda soomaliga

Infofinland.fi- boggaan internetka waxaad si kooban uga heleysaa dhammaan linkiyada ku saabsan warbixinaha ay soo baahiyeen hawlwadeennada dawladda ee la xiriira feyruska korona iyo saamaynta uu ku yeeshay dalkan finland gudihiisa.

Telefoonka talo siinta ee heerka qaran t. 0295 535 535 iyo bogga ama qolka internetka ah ee sida tooska ah loogu sheekeysto (chatti), waxaad si guud ahaaneed uga heleysaa warbixinta ku saabsan feyruska korona maalmaha shaqada, saacadda 8-21- iyo sabti kasta saacadda 9-15. Addeegga waxaa marka ugu horraysa lagugu siinayaa luqadda finishka iyo hadba sida ugu suurtaggalsan luqadaha kale ee iswidishka iyo ingiriiska. Talo siintaan dhanka telefoonka ah lagama helaayo talo siinta ku saabsan dhanka caafimaadka, ama tilmaanbixin la xiriirta astaamaha xanuunka ee degdegga ah ee u baahan emerjensiga ama heeganka .

Qaybo kooban oo ku saabsan saamaynta uu feyruska korona ku yeeshay adeegyada magaalada Vantaa

Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada

Xarumaha caafimaadka waxaa ka jira mashquul aad u farabadan, waxaana xilligan haatan ah lambarka adeegga ee xarumaha caafimaadka 09 8395000, uga jawaabaynaa oo kaliya telefoonada xaaladaha degdegga ah (isniin-jimce saacadda 8-16). Codsigii ahaa in dib laguu soo waco (takaisinsoittopyyntö) waa la joojiyay. Arrimaha aan degdegga ahayn waxaad nagala soo xiriirtaa wakhti kale ama waxaad ka faa’iidaysataa adeegga kiliinika ee dhanka internetka (Klinikin nettipalvelua). Heeganka ama emerjensiga hagista caafimaadka ee ka baxsan xilliyada shaqada waxaad kala soo xiriirtaa: caawimaadda heeganka ama emerjensiga 116 117.

Xarunta caafimaadka ee Maartinlaakso waxaa haatan laga dhigay xarunta caafimaadka ee korona, waxaana iyadoo la adeegsanaayo qiimeynta dhanka adeegga telefoonka ah, tilmaanbixin lagu siin doonaa dadka bukaanka ah ee la dhibaataysan astaamaha neefsashada. Xarumaha kale ee caafimaadka ee Vantaa waxaa ay xoogga saari doonaan in ay bixiyaan daryeellada kale ee degdegga ah.

Warbixin la cusboonaysiisay oo ku saabsan dhammaanba isbeddellada ku dhacay adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada, taasoo ku qoran luqadaha finishka, iswidishka iyo ingiriiska.

Xannaanooyinka, dugsiyada waxbarashada asaasiga ah iyo dugsiyada sare

Waxaad akhrisaa warbixinaha:

Warbxinaha vantaa (Vantaa-infot), adeegyada shaqo helidda iyo Iskuulka waxbarshada dadka waaweyn ee Vantaa ee loogu talagallagy dadka waddanka u soo guuray

Warbixinaha Vantaa (Vantaa-infon) xarumahooda dano dhamaysiga ee ku kala yaalla Tikkurila iyo Myyrmäki, waxaa ay furan yihiin xilliyada furitaanka ee jadwalladooda ku qoran. Xarunta warbixinta Korso (Korson Vantaa-info) waa la xiray illaa iyo amar dambe. Dhammaanba munaasabadihii iyo dhacdooyinkii la qaban lahaa waa la baajiyay illaa iyo 31.5.

Adeegyada shaqo helidda (Työllisyyspalvelut) waxaa laguugu adeegayaa dhanka telefoonka ama qaab elegtoroonig ah. Xafiisyadii hawshu ka socotay waa ay xiran yihiin. Sidoo kale magaalada Vantaa, waxaa dadka waddanka u soo guuray u adeegaaya xarunta aqoonyahannada ee (Vantaan osaamiskeskus). Haddii aadan macmiil ka ahayn xafiiska shaqada, oo aad doonayso in aad warbixin dheeraad ah ka hesho hawlaha uu qabto xafiiska, waxaad xarunta aqoonyahannada kula soo xiriiri kartaa dhanka iimeylka osaamiskeskus@vantaa.fi.

Waxbarashada akhriska, tan barashada luqadda finishka iyo waxbarashada asaasiga ah ee dadka waaweyn, ee uu qabanqaabiyo iskuulka waxbarashada dadka waaweyn ee Vantaaa, waxaa lagu sii dhigan doonaa qaabka ah dhanka inetnetka ee qofku uu joogo gurigiisa.

Linkiyo faa’iido leh

vantaa.fi/feyruskakorona
vantaa.fi/coronavirus_som