Macluumaad guud oo ku saabsan doorashooyinka
Waxaa jira shan nooc oo doorasho ah oo ka dhaca gudaha Finland: doorashada degmooyinka, doorashooyinka baarlamaaniga ah, doorashooyinka baarlamaani ee Yurub, doorashooyinka dawladda hoose iyo doorashada madaxwaynaha.
Doorashada xigta: Doorashooyinka Baarlamaaniga ah 2027
Codbixin hormaris ah: 7–13 Abriil 2027
Maalinta doorashada: 18-ka Abriil, 2027
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka iyo xuquuqda codbixinta
Codeynta
Haddii aad xaq u leedahay inaad codayso, waxaad heli doontaa ogeysiis ku saabsan xuquuqda aad u leedahay inaad codayso. Ogeysiiska waxaa lagu soo dirayaa boostada ama si elektaroonik ah iyadoo loo marayo adeegga Suomi.fi.
Waxaad dooran kartaa inaad codayso maalinta doorashada ama inaad horay u sii codayso. Suurtagal ma aha in si elektaroonik ah loo codeeyo gudaha Finland.
Tilmaamaha guud ee codbixinta
- Uma baahnid inaad la timaado ogeysiiskaaga ku saabsan xuquuqda aad u leedahay inaad codayso marka aad u baxdo inaad codayso.
- Waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad horay u soo qaadato waa caddeyn aqoonsi, sida kaarka aqoonsiga, shati darawalnimo ama baasaboor. Haddii aadan haysan caddayn aqoonsi, kaar aqoonsi oo kumeelgaar ah ayaad kaga heli kartaa si bilaash ah waaxda booliska si aad u codayso.
- Uma baahnid inaad qof kale u sheegto cidda aad u codaynayso. Adiga ayay kugu xiran tahay inaad go'aansato cidda aad u codaynayso. Qofna looma oggola inuu caddaadis ku saaro marka aad codaynayso.
- Had iyo jeer kelligaa gal goobta codbixinta.
- Lambarka musharraxa ku qor warqadda codbixinta. Ha ku qorin wax kale warqadda codbixinta.
Saraakiisha doorashada ayaa talo iyo caawimaad ku bixin doona goobta codbixinta haddii aad u baahato in lagu caawiyo.
Codbixin hormaris ah
Waxaad ka codayn kartaa goob kasta oo codbixinta hormariska ah oo ku taala gudaha Finland. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad la timaado waa caddeynta aqoonsigaaga.
Ka eeg dhammaan goobaha codbixinta hormariska ah ee ku yaala Vantaa iyo saacadaha ay furan yihiin (af Finnish): vantaa.fi/ennakkoaanestys
Tallaabooyinkaan raac marka aad joogto goobta codbixinta:
- Tus caddeynta aqoonsigaaga sarkaalka doorashada. Sarkaalka doorashada ayaa hubin doona oo ku siin doona warqad codbixin.
- Gal goobta codbixinta. Si cad ugu qor warqadda codbixinta lambarka musharraxa aad u codayneyso. Ha ku qorin wax kale warqadda codbixinta.
- Si isla'eg u laab warqadda codbixinta si uusan qofna u arkin lambarka.
- Dib ugu tag sarkaalka doorashada. Sarkaalka doorashada ayaa shaabad ku dhufan doona warqaddaada codbixinta wuxuuna ku siin doonaa baqshad codbixin oo bunni ah.
- Ku rid oo ku xidh baqshadda gudaheeda warqadda codbixinta ee la shaabadeeyay.
- Sarkaalka doorashada ayaa kuu sheegi doona inaad saxiixdo foomka. Markaad saxiixayso foomka, waxaad xaqiijinaysaa inaad adigu buuxisay warqadda codbixinta, geysay si loo shaambadeeyo oo aad ku riday baqshadda.
- Ugu dambeyntii, sarkaalka doorashada ayaa baqshadda jaallaha ah ee lagu rido codka ku lifaaqi doona baqshadda codbixinta iyo foomka. Baqshadda lagu rido codka waxaa loo diri doonaa guddiga doorashada ee dawladaada hoose.
Codeynta maalinta doorashada
Maalinta doorashada, goobaha codbixintu waxay furan yihiin laga bilaabo 9.00 ilaa 20.00.
Keliya waxaad ka codayn kartaa goobta codbixinta ee ku xusan ogeysiiskaaga xuquuqda codbixinta. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad la timaado waa caddeynta aqoonsigaaga.
Tallaabooyinkaan raac marka aad joogto goobta codbixinta:
- Tus caddeynta aqoonsigaaga sarkaalka doorashada. Sarkaalka doorashada ayaa hubin doona, ka raadin doona magacaaga liiska codbixinta, kadibna ku siin doona warqad codbixin.
- Gal goobta codbixinta. Si cad ugu qor warqadda codbixinta lambarka musharraxa aad u codayneyso. Ha ku qorin wax kale warqadda codbixinta.
- Si isla'eg u laab warqadda codbixinta si uusan qofna u arkin lambarka.
- Dib ugu tag sarkaalka doorashada. Sarkaalka doorashada ayaa shaabadeyn doona warqadda codbixinta.
- Ku rid warqadda codbixinta ee la shaabadeeyay sanduuqa codbixinta.
Ka soo codeynta guriga
Codkaaga ayaad dhiiban kartaa adoo jooga gurigaaga haddii aadan awoodin inaad tagto goobta codbixinta adigoon qain dhibaato weyn oo xanuun ama naafonimo.
Iska diiwaangeli ka soo codeynta guriga ee guddiga doorashada ee dawladaada hoose. Lambarka telefoonku wuxuu ku qoran yahay ogeysiiska xuquuqda codbixinta. Waxaad weydiisan kartaa guddiga doorashada ee dawladaada hoose macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka soo codeynta guriga.