Tilmaamaha la cusboonaysiiyay ee dugsiyada muddada safmarka korana fayraska ee ka bilaabma 19.1.2022
Masuuliyiinta cudurada la is qaadsiiyo waxay cusboonaysiiyeen tilmaamaha khuseeya dugsiyada sida soo socota: Waxaad tegi kartaa keliya aad caafimaad qabto oo aanad astaamah alahayn. Xidhashada maaskaraha xaga dugsiga waxaa lagula taliyaa ardayda u dhaxaysa fasalada 3- ilaa-9. Shaqaalaha waxaa waajib ku ah xidhashada maaskaraha. Intaa waxa dheer, qof kasta oo jooga xaga dugsigu waxa uu u baahan yahay inuu u hoganasamo tilmaamaha kale ee la xidhiidha koronafayraska.
Haddii ardaygu leeyahay xubin qoyskooda ah oo cudurka laga helay, Waxaa lagula talinayaa ardayga si waafaqsan THL tilmaamaheeda inuu joogo guriga ilaa 5 maalmood sidii feejignana ahaan, haddii qoysku uu karo oo rabaan inay sidaas sameeyaan..
Haddii ardaygu joogo guriga, waxay heli doonaan laylisyada Wilma oo waxay ka horumari karaan waxbarashadooda si madax banaan. Iyaddoo ay masuuliyiinta cudurada la is qaadsiiyo in dheeraaad aanay gaadhi doonin go’aan rasmi ah oo feejignaantan ah, ilmahu xaq uma laha waxbarashadda fogaanta ah ama kiishka karantiimada, oo waalidku xaq u malaha gunadda cudurada la is qaadsiiyo.
Xaalada cudur gaadhida gudaha qoyska, ardayga aan astaamaha lahayn sidoo kale waxa uu tegi karaa dugsiga.
Haddii waalidku ku wargeliyo in sababta maqnaanshaha ilmaha ay sababtay caabuqa korona fayraska oo ilma la karantiimeeyo (ay ku jirto baadhitaanka cudurka laga helay ee guriga) ardaygu waxa uu xaq u leeyahay waxbarashadda fogaanta ah iyaddoo ku xidhan xaaladahooda. Haddii ardaygu uu jiran yahay, ahmiyada ugu wayn waa nasasho oo maaha dugsiga, xataa fogaan maaha.
Ardaygu waxa uu wax ku baranayaa fogaan, waxay xaq u leeyihiin kiishka karantiimada beddeli doonta qadada dugsiga. Haddii masuuliyiinta cudurada la is qaadsiiyo aanay gaadhin go’aan rasmiahoo ku saabsan karantiimada, waalidku uma laha xaq gunnada cudurada la is qaadsiiyo.