”Arrimo dheeraad ah oo Finland ku saabsan ayaan maalin walba bartaa!”
Adebimbe iyo Leylo waxaa ay luqadda finishka ka bartaan dugsiga hoose-dhexe ee Vantaa, waxaana ay qorshaynayaan iskuulka xirfadda ee ay mustaqbalka dhigan lahaayeen. Sida ay waalidka la tahay, mashruuca iskuulka iyo nolosha shaqada waxaa uu ka caawinayaa waalidiinta waddanka u soo guuray, sidii ay ku baran lahayeen luqadda finishka, la qabsiga waddanka iyo raadinta xirfadda shaqo ee qofka u gaarka ah.
Ardaaga ama bannaanka iskuulka Kaivoksela waxaa ka jira sawaxan badan oo waxaa lagu jiraa xilligii bareegga: waxaa halkaas joogta Saara Al-Emara oo ku jirta tijaabada shaqada, iyadoo ilaalinaysa ilmaha yar ee dhex jiifa gaariga ilmaha, waxaana ay sugaysaa inta ay hooyo Adebimpe Oyemakinwa ka soo noqoneyso xisadda waxbarashada ee subaxdii.
Saara, Adebimpe iyo Leylo Osman waxay ka qayb yihiin mashruuca iskuulka iyo nolosha shaqada. Waxaana waalidiinta waddanka u soo guuray ay dugsiyada hoose-dhexe ee Vantaa ay ku bartaan luqadda finishka iyo xisaabta, sidoo kale waxaa waxbarashada qayb ka ah barnaamijka la qabsiga waddanka, islamarkaana waxaa ay soo indha-indhaynayaan waxbarashada iyo nolosha shaqada ee dalkaan Finland. Hawsha waxaa la qabanayaa afar maalmood toddobaadkii, saddex maalmood waxaa laga qaybqaadanayaa xisadda waxbarashada aasaasiga ah, sida subaxnimadaan saaka oo kale.
Mashruucaan waxaa uu degmada Vantaa ka shaqaynaayay tan iyo sannadkii 2017-kii. Sannad-dugsiyeedkaan waxaa ka qayb ah howsha lix iskuul oo ka tirsan qaybo kala duwan oo degmada Vantaa ah, waalidiinta dhigata waxaa wadartooda guud ay tahay 50 waalid. Kooxda dhigata iskuulka Kaivoksela waa 12 hooyooyin ah. ” Kooxdaas waa kuwo dhab ahaantii aad u firfircoon, dhaqamo kala duwan ka soo jeeda, wadasheekeysi leh islamrkaana ka qaybqaadanaaya hawlaha socda. Waa arrin aad u fiican in aan hago kooxdaan”. Waxaa sidaas sheegtay macallimadda mashuuca Heidi Naukkarinen oo ka socota Careeria.
Xilliga lagu gudajiro sannad-dugsiyeedka barashada naxwaha luqadda ka sokow, waxaa intaas dheer oo la soo indha-indheeyay deriska, waxaa booqasho lagu tagay goobaha dhaqanka, waxaana saxiibtinimo lala yeeshay dadkii kale ee ka soo qaybgalayaasha ahaa. Adebimpe waxaa si gaar ah maskaxdeeda ku haray oo aan wali ka bixin booqashadii lagu tagay Ururka Laanqayrta cas. ”Kooraska ugu fiican waa kan luqadda finishka, waana kan ugu muhiimsan. Awal hore gurigaan joogay, mana aanan aqoon luqadda, laakiin hadda waan qori aqaan luqadda”, sidaasna waxaa tiri Leylo.
Mashruucaan waxaa si wadajir ah u hirgelinaaya iskuulka waxbarashada aasaasiga ah ee Vantaa, dugsiga xirfadaha Careeria iyo xarunta aqoonyahannada Vantaa. Waxbarashada iyo hagista waalidka waxaa ka mas’uul ah macallimiinta Careeria, halka dugsiyada waxbarashada aasaasiga ah ay ka siinayaan waalidka wixii ka dhimman dhanka waxbarashada iyo fursadda ah soo indha-indhaynta nololmaalmeedka caadiga ah ee iskuulka. Dhanka xarunta aqoonyahannada Vantaa waxaa ay waalidka u fidisaa taageero iyo hagis ku saabsan marka qofku uu u wareego dhanka nolosha shaqada, tusaale ahaan hagista ku saabsan doorashada waxbarashada xirfadda.
Sida kooxaha kale ayaa kooxdaan Kaivoksela waxaa ka mid ah waalidiin wata carruur ka yaryar da’da iskuulleyda. Iyaga dartood ayaa qof loo shaqaaleeyay oo mushaar loogu qoray, kuwaasoo daryeelaaya carruurta, inta ay waalidiintoodu ku jiraan xisadda waxbarashada. Sidaas ayaa lagu xaqiijinayaa, in waalidiinta haysata carruurta yar-yar ay waxbarashada imaan karaan. Kooxda Kaivoksela waxaa hawshaan uga mas’uul ah laba shaqaale, oo mid ka mid ah labadaas ay tahay Saara Al-Emara. ”Waan jeclahay ilmaha. Waxaan codsaday inaan barto waxbarashada caawiyaha iskuul dhigashada. Berri waxaan leeyahay waraysi” Saara ayaa sidaas tiri, iyadoo aad u xiiseyneysa.
Fasaxa jiilaalka kaddib jadwalka waxbarashada ee waalidka wax xoogaa yar ayuu isbeddelayaa: Qaarkood waxaa ay sii wadi doonaan shaqada tijaabada ah oo ku jaango’an muddo saddex bilood ah, waxaana ay ka shaqayn doonaan laamaha cilmiga ee ay xiiseynayaan. Inta kale ee kooxda ka tirsan waxaa ay la joogi doonaan macallinka mashruuca, halkaasoo ay ku baran doonaan luqadda finishka. Waxaa sidoo kale jira adeegyo ay bixin doonto xarunta aqoonyahannada ee Vantaa, waxaana adeegyadaas ka mid ah in la caawiyo waalidiinta wali ka fekeraaya doorashada xirfadda shaqo ee ay doonayaan.
”Waxaan doonayaa inaan machadka sare ee waxbarashada ka barto kalkaaliso caafimaad. Waan jeclahay dadka”, sidaas waxaa tiri Adebimpe. Sidoo kale Leylo waxaa ay doonaysaa in ay barato waxyaabo dheeraad ah: Waxay doonaysaa in ay u jihaysato dhanka waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waawayn, kaddibna waxaa ay doonaysaa in ay barato xirfadda nadaafadda.
Mashruucaan ay maalgelinayso Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka waxaa uu dhammaanayaa bisha Maajo 2023, laakiin ka hirgelinta degmada Vaanta nooca mushaar ahaan lagu shaqaalaynayo qofka, ayaa mar hore shaqdiisu ay socotaa. Magaalada Vantaa oo ah magaalada dhaqamada kala duwan ee Finland, waxaa ka jirta munaasabad aad u fiican oo uu qofku wax ku qaban karo isagoo ah horseede ku jira shaqada laqabsiga waddanka.
”Waa arrin aad u fiican, in dhaqamo meelo kala duwan ka soo jeedida ay si aad ah uga muuqato waxbarashada aasaasiga ah. Mas’uuliyadda waxbarashada ee dhinacyada luqad iyo dhaqan ahaanta, waa qayb ka mid ah nololmaalmeedka”, waxaa sidaa tiri iyadoo ku faraxsan Heidi Naukkarinen.
Dayrta soo socota waxaa markale la bilaabayaa sannad-dugsiyeed cusub, kaasoo loogu talaggalay waalidiinta cusub. Adebimpe, Leylo iyo Saara waxaa ay ku dhiirrigelinayaan waalidiinta kale in ay hawlaahaan ka qaybqaataan. ”Koorasku waa mid aad u fiican oo wax caawinaaya. Waxaan idiku dhiirrigelinayaa inaad ka qaybqaadataan”, Adebimpe ayaa sidaas tiri. Saara waxaa ku intaas ku daraysaa: ”Xannaanada Finland iyo iskuulka waa kuwo fiican. Ha ka biqina.”