Barnaamijka hawl galeed ee ka hortagga u xoog sheegashada iyo wax ka qabashada

Waxaa looga fekeraa u xoog sheegasho marka ilmaha, dhalin yarada ama ardayga qof ka wayn ah si soo noqnoqta oo nidaamsan u yahay yoolka falalka ula kac ah oo aan la rabin uu ku sameeyo filkooda ama koox. U xoog sheegashadu waxay noqon kartaa maskax ahaan, jidh ahaan ama bulsho ahaan (tusaale ahaan, in laga dhex sooro koox) Guud ahaan waxay ka mid tahay qaybta isku dheeli tir la’aanta; ilmaha loo xoog sheegtay, dhalin yarada ama ardayga qofka wayn ah ee qaab ahaan aan is difaaci karin marka la barbar dhigo qofka u xoog sheegayana ama dadka u xoog sheeganaya. Doodaha iyo khilaafyada way ku kala duwan yihiin u xoog sheegashada, maadama ay caadi ahaan yihiin kuwa kooban, oo aanay ku lug lahayn is ku dheeli tir la’aanta ama qof isku mid aan yoolka loo saarayn si joogta ah. Qof kasta waayo aragnimadiisa in loo xoog sheegto waa lama huraan.

Barnaamijka hawl galeed waxa uu khuseeyaa dhammaan dhinacyada adeegyada ee waxbarashadda iyo barashada, taas oo ah, xarun kasta oo daryeelka maalinta ah, dugsiga hoose iyo dugsiga sare. Dhinacyada adeega waxay caddeeyaan waxa ay ka koob yihiin inay ku habboonaadaan deegaankooda hawl galeed. Qaybaha hawl galeed waxay go’aamiyaan nidaamka adag ee la isticmaali doono gudaha qaybtan. Barnaamijka hawl galeed waxaa la bilaabi doonaa gudaha qaybaha gu’ga 2022 oo waxaa la hirgelin doonaa Ogosto 1deeda, 2022. Qiimaynta koowaad waxaa la fulin doonaa dhammaadka 2022, ka dib marka barnaamijka hawl galeed dib loo eegi doono ugu yaraan xili kasta oo gollahu qabanayo. 

Tallaabooyinka ka hortagga u xoog sheegashada

Tallaabooyinka wax ka qabashada u xoog sheegashada

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)HyvinvointiKiusaaminen