DUGSIGA HOOSE DHEXE WUU DHAMMAADAY. MAXAA XIGA?
Baahinta natiijada waxbarashada ka dambaysa dugsiga hoose dhexe
Baahinta natiijada waxbarashada ka dambaysa dugsiga hoose dhexe
NATIIJADA CODSIGA GUUD EE GOOBAHA WAXBARASHADA WAXAA LAGA BILAABO KHAMIISTA 12.6.2025 LAGU BAAHIN DOONAA BOGAGGA INTERNETKA EE ISKUULLADDA (magacyada dadkii oggolaanshaha bixiyay).
Iimeylkaada aad ku sheegtay codsiga guud ee goobaha waxbarashada ayaa laguugu soo dirayaa linkiga natiijada qoraalkaagaa islamarka ay doorashada ardayda diyaar noqoto. Waxaa intaas dheer in iskuulku uu adiga si gaar ah kuugu soo diri doono, go’aanka ku saabsan in goobta waxbarashada laguu oggolaaday iyo hagista ku saabsan, sida aad goobta waxbarashada u qaadanaysid. Haddii aad foomkii codsiga ku qortay oggolaanshaha ah in go’aanka doorashada ardayga laguugu soo diro si elegtoroonig ahaan ah, waxaa laguugu soo dirayaa iimeylka. Xusuusnow inaad hubiso oo fiiriso iimeylkaaga. Si kastaba qaar ka mid ah iskuullada waxaa ay go’aanka ku soo dirayaan waraaq dhanka boostada kuugu imaanaysa.
Fiiro gaar ah! Haddii aadan foomka codsiga ku qorin wax iimeyl ah, ama aadan bixin oggolaanshaha farriinta elegtoroonigga ah, natiijada iyo go’aanka iskuulka waxaa laguugu soo dirayaa waraaq boostada kuugu imaanaysa.
Aqbalaadda goobta waxbarashada
WAA INAAD GOOBTA WAXBARASHADA AQBASHAA OO KA SOO JAWAABTAA UGU DAMBAYN 26.6.2025 SAACADDA 15.00. Qaab elegtoroonig ahaan xittaa waad ku aqbali kartaa goobta waxbarashada. Hagista ku saabsan qaabka qofku ku aqbalaayo goobta waxbarashada, iskuullada qaarkood waa ay ku kala duwan yihiin, sidaas awgeed waa in aad iska hubisaa qaabka aqbalaadda goobta waxbarashada ee iskuulka ku qaatay.
Haddii aadan qaadanaynin ama aqbalaynin goobta waxbarashada ee lagu siiyay, xusuusnow inaad iska kansasho ama iska baajiso, adigoo isticmaalaaya dhanka internetka ee qaybta waxbarashda (opintopolku) ama waxaad arrinkaas u soo sheegi kartaa iskuulka.
Warbixinta ku saabsan nidaamyada iskuullada Vantaa waxaad ka heleysaa bogagga internetka ee codsiga guud ee goobaha waxbarashada ee Vantaa Vantaan yhteishaku-sivuilta.
Haddii aadan helin goob waxbarasho
Haddii aadan helin goobta waxbarashada, waxaa macluumaadka arrinkaas ku saabsan laguugu soo diri doonaa qoraal ahaan ama elegtoroonig ahaan. Xittaa haddii aadan helin goob waxbarasho, waxaad wali sii dalban kartaa goobaha bannaan ee suuraggalka ah. Goobaha waxbarashada ee bannaan ee iskuullada, waa in aad ka baartaa oo kala socotaa dhanka bogagga internetka ee iskuullada iyo dhanka qaybta waxbarashda (opintopolku). Dadka loo doortay liiska kaydka, si shakhsi ahaaneed ayaa loogu soo sheegi doonaa goobaha waxbarashada ee bannaanaada.
Waxaad dalban karataa waxbarashada diyaarinta ee shahaadada waxbarashada ee TUVA-koulutukseen laga bilaabo 12.6.2024. Foomka codsiga waxaa laga buuxinayaa bogga internetka ee Vari.
Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan fursadaha kala dorashada waxaa laga helayaa bogga internetka: vantaa.fi/yhteishaku
Hagayaasha ardayda ee dugsiyada hoose dhexe waxaa lala kulmi karaa bsiha juun, marka ay soo baxdo natiijada codsiga guud ee goobaha waxbarashada. Macallinka ah hagahaaga waxbarashada ee gaarka ah ayaa ku hagi doona, haddii tusaale ahaan aad weydo goob waxbarasho, ama aad u baahan tahay talosiinta ku saabsan aqbalaadda ama qaadashada goobta waxbarashada. Macallinka hagaha waxbarashada ee kuu gaarka ah ayaa ku siin doonaa macluumaadka muhiimka ah ee arrinkaan ku saabsan.