Taageerada hiwaayadda ee carruurta iyo dhalinyarada
Hiwaayaduhu waxay nolosha carruurta iyo dhalinyarada ku soo kordhiyaan farxad, xirfado cusub iyo bulsho. Hase yeeshee, dhammaan qoysasku fursad uma helaan inay carruurtooda iyo dhalinyartooda ka saacidaan dhanka hiwaayadaha sababo dhaqaale dartood. Taageerada hiwaayadda waxay carruurta iyo dhalinyarada kaalmo ka geysataa in sinnaan la'aanta meesha laga saaro oo la hubiyo in carruurta iyo dhalinyarada ka soo jeeda qoysas dakhligoodu hooseeyo heli booskooda ka heli karaan hawlaha madadaalada ee cashar ahaan loo qaato.
Waa maxay taageerada hiwaayadu?
Taageerada hiwaayadda ee carruurta iyo dhalinyarada waxa loogu talagalay in hiwaayad lacag lagu dhigto lagu siiyo 7-17-sannadood jirrada deggan Vantaa ee ka soo jeeda qoys dakhligiisu hooseeyo. Ujeedada taageeradu waa in la hubiyo in dhammaan carruurta iyo dhalinyaradu helaan fursado siman oo ay kaga qaybqaadan karaan hawlaha madadaalada, iyada oo aan loo eegayn xaaladda dhaqaale ee qoyskooda.
Yaa codsan kara taageerada hiwaayadda?
- Codsaduh waa inuu noqdo ilmo yar ama qof dhalinyaro ah oo u dhexeeya da'da 7 iyo 17.
- Ilmaha noqonaya 7 sannadood jir inta sannad kalandareedka lagu jiro waxa lagu darayaa koox da'eedka ugu hooseeya ee taageerada.
- Qofka dhalinyarada ah ee 17 sano jirka ah xilliga codsashada waxa lagu darayaa koox da'eedka ugu sarreeya.
- Degmada codsaduhu deggan yahay waa inay tahay Vantaa.
- Taageerada hiwaayo waxa laga yaabaa in lagu bixiyo hal hiwaayo oo cashar ahaan loo dhigto.
- Taageeradu waa mid ikhtiyaari iyo qayb ah
- Qoys dakhligiisu hooseeyo oo wajahaya xaalad dhaqaale oo adag ayaa heli kara taageerada.
- Codsiga waxa buuxin kara mas'uulka ilmaha ama qof shaqaale ah oo caawinaya qoyska.
Sidee baan ku codsan karaa taageerada?
- Codsashada taageerada hiwaayadu way fududahay oo waxaad ka dhex codsan kartaa bogga dhijitaalka ah ee Unelmista.fi oo ay maamusho hay'adda SOS-Lapsikylä (Xaafadda Carruurta ee SOS).
- Codsiga waxa buuxin kara mas'uulka ilmaha ama qof shaqaale ah oo caawinaya qoyska.
- Codsiga waa inuu ka muuqdo dakhliga guud ee qoyska iyo macluumaadka kale ee dheeraadka ah ee lagama maarmaanka ah.
Maxaa taageerada loo adeegsan karaa?
Taageerada hiwaayadu waxay daboolaysaa kharashaadka ka qaybgalka waxqabadyada madadaalada ah ee cashar ahaan loo dhigo. Had iyo jeer waa mid ikhtiyaari ah oo waxay noqon kartaa mid qayb ah. Qaddarka taageerada waxa la go'aamiyaa iyadoo loo eegayo heerka kharashka hiwaayada.
Ma jirto taageero madadaalo oo lagu bixinayo:
- Kharashaadka tartamada ama tababarada xeryaha, sida khidmadaha ka qaybgalka ama kharashka hoyaadka.
- Kharashka qalabka ama dharka hiwaayadda, sida qalabka ciyaaraha, qalabka muusikada ama dharka hiwaayadda.
- Kharashaadka safarka ee tartamada ama wareegyada ciyaaraha, sida gaadiidka, cuntooyinka, ama habeen-dhaxa.
- Kharashaadka caymiska gaarka ah, sida caymiska shatiga ama siyaasadaha caymiska ee hiwaayadaha shaqsiga ah.
- Kharashaadka tababarada ama casharada dheeraadka ah, sida casharada khaaska ah ama kulanada dheeraadka ah ee tababaraha lala yeesho.
Shuruudaha go'aanka taageerada
Taageerada hiwaayada waxa lagu bixiya hab ikhtiyaari ah iyadoo lagu saleynayo qodobadan soo socda:
- Heerka dakhliga qoyska.
- Qoysku intuu le'eg yahay (tirada carruurta)
- Kelinimada waalidka.
- Tirada hiwaayaadka ilmuhu ama qofka dhalinyarada ahi leeyahay.
- Kharashka sannadlaha ah ee hiwaayada.
- Baahida loo qabo taageerada iyo deeqadaha kale ee hiwaayada.
- Dhibaato degdeg ah ama aan horay loo saadaalin oo qoyska ku timid.