Ardayda u guuraysa Vantaa

Marka qoysasku u soo guuraan Vantaa, carruurtooda da'doodu tahay inta u dhaxaysa 7–16 jir waxay bilaabaan inay dhigtaan dugsiyada Vantaa. Boggan wuxuu ku siinayaa macluumaad ku saabsan sida ilmahaaga loogu diiwaangeliyo dugsiga. Waxaad sidoo kale bogga ku akhrin kartaa Af Ingiriisi, Albaaniyaan, Carabi, Soomaali, Ruush iyo Istooniyaan.

Kesäisessä kuvassa on Kartanonkosken koulu. Pihalla on polkupyöriä.

Boggan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:

Ma ogtahay in xitaa haddii aysan jirin turjumaad rasmi ah, aad weli qoraallada oo dhan ee ku jira mareegta Vantaa u turjumi karto in ka badan boqol luuqadood oo kala duwan? Marka aad ka daalacanayso mareegaha kombiyuutarkaaga, waxaad ka arki kartaa badhanka turjumaada dhanka midig ee sare, ee liiska luuqadaha ee jira dhanka biddix. Markaad ka daalacanayso mareegaha telefoonkaaga gacanta ama tablet-kaaga, waxaad isticmaali kartaa qaybaha turjumaada ee aaladaha. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa maqaalkan.

Ardayda u soo guuraysa Finland

“Dalka dibadiisa ayaan uga soo guurnay Finland, ilmahayguna waa inuu iskuul/ dhigtaa. Maxay tahay inaan sameeyo?”

Haddii aad dhowaan u soo guurtay Finland, la xiriir isuduwaha gobolka ee degaanka aad ku nooshahay. Iskuduwaha gobolka ayaa raadin doona dugsiga uu ilmahaagu dhigan karo.

Sii isuduwaha gobolka macluumaadka soo socda oo dhan:

  • magaca ilmaha
  • taariikhda dhalashada ama lambarka aqoonsiga gaarka ah ee ilmaha
  • afka hooyo ee ilmaha
  • cinwaanka ilmaha ee Vantaa
  • faahfaahinta mas'uuliyiinta ilmaha (magacyada, lambarrada telefoonka iyo cinwaanada iimaylka)

Isuduwaha gobolka ayaa macluumaadka ilmaha u soo diri doona dugsiga uu ilmuhu dhigan karo. Dugsiga ayaa kulan qabanqaabin doona. Haddii ay lagama maarmaan tahay, dugsiga ayaa turjumaan ku martiqaadi doona kulanka.

Fadlan ogow arrinan reeban! Haddii aad Finland dib ugu soo laabanayso oo ilmahaagu horaan ugu hadli jiray Af-Finnish, fadlan iimayl u soo dir lahikoulu@vantaa.fi. Ka hubi qeybta “Ardayda u guuraysa Vantaa” macluumaadka ay tahay inaad iimaylka ku bixiso.

Waxbarashada diyaarinta ah

Haddii ilmahaagu uusan ku hadlin Af-Finnish, waa inuu bilaabo waxbarida diyaarinta ah ee waxbarashada aasaasiga ah . Waxbarida diyaarinta ah dhexdeeda, wuxuu ilmuhu ku bartaa luqadda Finnish-ka iyo maadooyinka dugsiyeed. Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan waxbarida diyaarinta ah ee loogu talagalay waxbarashada aasaasiga ah.

Daawo muuqaalka si aad u aragto waxa loola jeedo waxbarida diyaarinta ah. Fiidiyowga wuxuu leeyahay qoraal-hoosaadka luuqadaha soo socda: Carabi, Albaaniyaan, Ingiriisi, Soomaali, Istooniyaan, Ruush.

Iskuulka caalamiga ah ee Vantaa iyo waxbarida lagu bixiyo Af-Ingiriisiga

Ardayda ka soo guurtay dibadda ee timid Finland waxay codsan karaan iskuulka caalamiga ah ee Vantaa ama waxbarashada ku baxda Af-Ingiriisiga. Marka ardaydu soo codsadaan iskuulka caalamiga ah ee Vantaa ama waxbarashada ku baxda Af-Ingiriisiga, waa inay maraan imtixaanka qaadashada ardayga. Su'aalaha:

Macalimiinta ku hadasha luuqadaha badan ayaa ku caawin kara

La-taliyayaasha ku hadla luuqadaha badan ayaa ku caawin kara markaad ilmahaaga ka diiwaangelinayso dugsiga. La-taliyeyaasha luuqadaha badan yaqaana waxay ku hadlaan Af Ingiriisi, Carabi, Albaaniyaan, Soomaali, Ruush iyo Istooniyaan. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaadka xiriirka ee macallimiinta ku hadla luuqadaha badan.

Ardayda u guuraysa Vantaa

“Waxaan ka soo guurnay magaalo kale oo ku taala Finland waxaana u soo guurnay Vantaa ilmahayguna waa inuu iskull dhigto. Maxay tahay inaan sameeyo?”

Markaad u soo guurto Vantaa kana soo guurto magaalo kale oo ku taala Finland oo ilmahaagu horaan wax ugu dhex baran jiray gudaha Finland, fadlan ku soo dir macluumaadka soo socda oo dhan oo dhan iimaylka lahikoulu@vantaa.fi:

  • magaca ilmaha
  • lambarka aqoonsiga ee ilmaha
  • faahfaahinta mas'uuliyiinta ilmaha (magacyada, iyo cinwaanada iimaylka)
  • cinwaanka ilmaha ee Vantaa
  • taariikhda uu ilmuhu u soo guuray Vantaa
  • taariikhda uu ilmuhu bilaabayo dugsiga
  • da'aada ama da' kooxeedka ilmuhu la bilaabayo dugsiga
  • dugsigee ayuu ilmuhu horay u dhigan jiray
  • magaaladee ayuu ilmuhu horaan ugu noolaa
  • Ilmuhu ma u baahan yahay taageero waxbarasho ama taageero gaar ah?
  • miyuu ilmuhu ku qaatay waxbarida diyaarinta ah dugsigiisii hore?

Maamulaha degmada ayaa go'aan ka gaari doona dugsiga uu ilmuhu bilaabi karo inuu dhigto.

Af-Finnishka luuqad labaad ahaan (S2).

Carruurta aan si fiican ugu hadlin Af-Finnishka waxaa loo baraa Finnishka luuqad labaad ahaan (S2). Carruurtu waxay dhigtaan fasalka S2 ilaa ay si fiican uga fahmaan, ugu hadlaan ugana akhriyaan Af-Finnishka.

Kadib marka carruurtu marka koowaad dhigtaan waxbarida diyaarinta ah, si toos ah ayaa loogu daraa fasalka S2.

Barashada afka hooyo

Haddii carruurtu afkooda hooyo yahay luuqad aan ahayn Af Finnish ama Iswidhish ahayn, waxaa la bari karaa afkooda hooyo. Barashada afka hooyo ee Vantaa ee loogu talagalay ardayda ayaa ka kooban ku dhawaad 35 luuqadood. Vantaa waxay ardayda bartaa afkooda hooyo marka ay suurtogal tahay.

Afka hooyo ee ardayda ma ahan maaddo waajib ah, balse faa'iido ayay leedahay maadaama ay taageero u noqoto fikirka ardayda, xirfadaha luuqadeed iyo aqoonsiga dhaqamada kala duwan.

Su'aalaha inta badan la isweydiiyo

Waxaan u soo guuraynaa Vantaa sannad-dugsiyeedka dhexdiisa, ilmahaygu waa inuu bilaabo inuu iskuulka dhigto. Maxay tahay inaan sameeyo?

Haddii aad Finland uga soo guurtay dibabba oo ilmahaagu uusan ku hadlin Af-Finnish, ilmahaagu wuxuu iskuulkiisa ka bilaabi karaa waxbarida diyaarinta ah. La xidhiidh isuduwaha gobolkaaga si aad u ogaato halka uu ilmahaagu dugsiga ka bilaabi karo. Ka eeg tilmaamo faahfaahsan bilowga boggan, qaybta hoos timaado cinwaanka “Ardayda u guuraysa Finland”.

Haddii aad ka soo guurayso magaalo kale oo ku taala Finland oo aad u soo guurayso Vantaa oo ilmahaagu horaan wax ugu bartay gudaha Finland, fadlan la xiriir lahikoulu@vantaa.fi oo sii tafaasiisha ilmaha iyo mas'uulkooda. Ka eeg tilmaamo faahfaahsan bilowga boggan,  qaybta hoos timaado cinwaanka “Ardayda u guuraysa Vantaa”.

Maxay tahay sababta aan u dooran karin dugsiga uu ilmahaygu dhigan doono?

Vantaa waxay u qeybsantahay afar aag oo ardayda laga diiwaangeliyo. Maamuleyaasha degmada ee waxbarashada aasaasiga ah ayaa go'aan ka gaara dugsiga ay carruurtu dhigan doonaan. Dugsiga ugu dhow guriga ardayga khasab ma ahan inuu ilmuhu bilaabo inuu dhigto. Maamuleyaasha degmadu waxay go'aan ka gaaraan dugsiyada carruurta ay dhigan karaan si tirada ardayda dhigata dugsiyada loo maarayn karo.

Kuma qanacsani dugsiga uu ilmahaygu bilaabayo inuu dhigto. Waxaan rabaa in boos looga helo dugsi kale. Maxay tahay inaan sameeyo?

Dugsi kale ayaad booska ka dalban kartaa haddii aadan ku qanacsanayn dugsiga deegaanka ee la go'aamiyay inuu ilmahaaga dhigto. U gudbi codsiga iskuulka aad booska ka codsanayso.

Hakemus toissijaiseen kouluun (531152)(pdf, 128.11 KB)

Ilmahayga kama qorin ama diiwangelinin iskuulka bisha Janaayo. Maxay tahay inaan sameeyo?

U dir iimayl lahikoulu@vantaa.fi.

Waa maxay Wilma? Sideen ku heli karaa cinwaanada Wilma?

Wilma waa nidaam internet oo loogu talagalay inuu isku xiro guriga iyo dugsiga. Halkan waxaad ka heli kartaa tilmaamaha loogu talagalay sida loo isticmaalo mareegta Wilma iyo cinwaanada Wilma.

Cinwaanka aan ku leeyahay Wilma ma shaqaynayo. Maxay tahay inaan sameeyo?

Fadlan marka hore la xiriir xoghayaha dugsiga/iskuulka. Haddii xoghayaha dugsiga uusan ku caawin karin, fadlan la soo xiriir primuswilmatuki@vantaa.fi.

Ma lihi cinwaan bangi oo onlayn ah. Sideen ku heli karaa cinwaanada Wilma?

Haddii ilmahaagu bilaabo fasalka koowaad, waxaa laguu soo diri doona koodh fure ah oo ka socda primuswilmatuki@vantaa.fikaasoo aad isticmaali karto si aad cinwaan uga samaysato mareegta Wilma. Hadduu ilmahaagu bilaabo fasalada 2–9, xoghayaha dugsiga ayaa kuu soo diri doona koodh muhiim ah oo aad cinwaan uga samayn karto mareegta Wilma.

Halkeen ka heli karaa caawimaad luuqadeed?

Xarunta macluumaadka ee Vantaa ee Myyrmäki waxaa jooga la-taliyeyaal ku hadla luuqado badan iyo sidoo kale Hoyga Caalamiga ah ee Helsinki. Luuqadaha adeegga lagu bixiyo waa Af Finnish, Iswiidhish, Ingiriisi, Istooniyaan, Ruush, Soomaali, Dari, Farsi, Carabi iyo Kurdish. Ka akhri halkan wax dheeraad ah oo ku saabsan hagitaanka luuqadaha badan  ee Vantaa.

Dugsiyadu waxay sidoo kale leeyihiin macallimiin ku hadla luuqado badan oo ku caawin kara. La-taliyeyaasha luuqadaha badan yaqaana waxay ku hadlaan Af Ingiriisi, Carabi, Albaaniyaan, Soomaali, Ruush iyo Istooniyaan. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaadka xiriirka ee macallimiinta ku hadla luuqadaha badan.

Macluumaad ku saabsan waxbarashada Vantaa iyo Finland

Carruurta da'doodu u dhaxayso 7–16 waxay dhigtaan waxbarashada aasaasiga ah. Vantaa waxaa ku yaala dugsiyo hoose, dugsiyo sare iyo dugsiyo hoose-sare.

  • Dugsiyada hoose waxaa ku yaalafasalada 1–6. Carruurtu waxay da'doodu u dhaxaysaa 7–12 sanno jir.
  • Dugsiyada sare waxa ku yaala fasalada 7–9. Carruurtu waxay da'doodu u dhaxaysaa 13–15 sanno jir.
  • Dugsiyada hoose-sare waxay lahaan karaan fasallada ay leeyihiin dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare labaduba (fasalada 1–9, tusaale ahaan).

Ikhtiyaarada waxbarasho ee carruurta waaweyn:

Hadduu ilmahaagu yahay 6 sanno jir , waxay dhigtaan waxbarashada hore ee dugsiga hoose halkii ay ka dhigan lahaayeen dugsiga. Akhri wax dheeraad ah oo ku saasban waxbarashada hore ee dugsiga hoose.

Hadduu lmahaagu ka yar yahay 6 sanno jir, iskuul ma dhigan karo; halkii, waxaa la geyn karaa daryeelka maalinlaha ah. Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan xarumaha xannaanada maalinlaha ah.