Kaambasyada maalinlaha ah ee carruurta dugsiga xilliga fasaxa jiilaalka
Kaambasyada maalinta isboortiga ayaa loo diyaarin doonaa ardayda dugsiga hoose inta lagu jiro todobaadka fasaxa jiilaalka.
Magaalada Vantaa waxay u qabanqaabin doontaa kaambasyada maalinta ciyaaraha ee shanta maalmood ah ee fasallada 1-4aad inta u dhaxaysa 16 iyo 20 Febraayo 2026. Kaambasyada waxaa lagu qaban doonaa Afka Finnish.
Kaambasyada waxaa lagu samayn doonaa dhaq-dhaqaaqyo jireed, cayaaro, dabaasha, cayaar, farshaxanno iyo madadaalada bannaanka hadday hawada wanaagsanaato. Macalimiinta isboortiga ee magaalada ayaa casharo ka bixin doono Kaambasyada. Toddobaadka kaambaska waxay ku kacaysaa € 45/canugiiba, oo ay ku jiraan kharashyada safarrada suurtagalka ah.
Isu-diiwaangelinta kaambasyada waxay furmi doontaa Isniinta 15 Disembar saacadda 8:00 iyadoo loo marayo nidaamka diiwaangelinta Vantaaliikunta. Kaambasyada waxaa loo buuxin doonaa sida loogu kala horreeyay is-diiwaangelinta. Fadlan ogow in websaydhka ku qoran yahay Af Finnish.
Macluumaad dheeraad ah
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaambasyada waxaad ka heleysaa websaydhka Vantaa.fi