XASUUSNOOW IN KHARASHAADKA QAANSHEEGAYAASHA WAXBARASHADA DHALLAANKA AY DAAHI DOONAAN

Tiedote

Asiasanat

Varhaiskasvatus

Qaansheegta kharashka macmiilka ee waxbarashada dhallaanka waxaa loo wareejin doonaa adeegga VaSa inta lagu jiro dayrta iyo xiliga qaboobaha.
Sababtaan oowgeed, qaansheegayaasha waa daahi doonaan.Qoysasku waa inay helaan qaansheegta Agoosto dhammaadka sanadka, waa ku eg in la bixiyo billoowga sanadka cusub. Markaas kadib, qaansheegayaasha rahman ee dayrta iyo xiliga qaboobaha waxaa la bixin doonaa inta lagu jiro xiliga qaboobaha iyo gu’a qiyaas ahaan afartii-saddexdii asbuucba mar.

Waxaan awooda saaraynaa inaan isdaba marino taariikhaha qaansheegta. Waa suurtagal inaad hesho qaansheegayaasha labo billood oo kaladuwan hal bil gudahood inta lagu jiro gu’a. Qaansheegayaashu waxay lahaan doonaan taariikho kaladuwan, maadaama aan bilaabi doono inaan dirto qaansheegayaasha isla markiiba inta lagu jiro xiliga qaboobaha iyo gu’a marka laga imaado qaansheegayaasha lasoo diro wixii ka danbeeya dayrta.  

Xaqiiji inaad horey usii diyaarsato qaansheegayaasha mustaqbalka oo ayna kujiraan lacag ku filan.

Marka aad hesho qaansheegayaasha waxbarashada dhallaanka, haka meermeerin inaad lasoo xariirto laanta adeegga qaansheegta macmiilka ee qaabilsan waxbarashada dhallaanka.

Taleefoon: 09 83922004 / Isniinta–Jimcaha 9:00–11:30. Haddii aad nagula soo xariirto taleefoon, waxaad dooran kartaa inaad u baahan tahay in lagaa caawiyo go’aanada lacag bixinta ama qaansheegta.

Iimaylka:

paivahoitolaskut@vantaa.fi (codsiyada la xariirta bixinta lacagta qaansheegta ku qoran, sida waqti ay ku egtahay taariikhda wareejinta iyo arrimaha la xariira dib oga soo kabashada) AMA

varhaiskasvatuksen.asiakasmaksut@vantaa.fi (codsiyada la xariira go’aanada lacag bixinta, sida qaabab loo tixgeliyo dakhliga si loo gaaro go’aanada lacag bixinta)

Waxaan raaligelin ka bixinaynaa wixii dhib ah oo ka dhasha isbadelkaan ku yimaaday nidaamka qaansheegta iyo daahitaanka qaansheegta dayrta. 

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)