Dugsiyada iyo dhalinyarada sida dhaw ula shaqeeya Vantaa!

Tiedote

Vantaa, dugsiyada iyo dhalinyarada ayaa sida dhaw u wada shaqaynayay ilaa horaantii 2000yaadkii. Nooc kale oo wada shaqayn ah ayaa la sameeyay sanadihii lasoo dhaafay. Ujeedada wada shaqayntani waa in la xoojiyo badqabka dadka dhalinyarada ah noloshoda maalintii, si loo xaqiijiyo jiritaanka dad waawayn oo la socda, kahortaga dareemida kalinimo, iyo xoojinta amaanka bulshooyinka.

Shaqada dhalinyarta ee deegaanka 

Shaqada dhalinyarta ee deegaanka waxay gaadhsiisan tahay ee dugsiyo kale. Noocyada wada shaqaynta waxaa kamid ah xidhiidhka joogtada ah ee u dhaxeeya dugsiyada iyo xarumaha dhalinyarta, kooxaha, Sheekada Doorashada, oo lagu bartilmaameedsanayo koox yar iyo sidoo kale kala wareejiga dugsiga hoose ilaa dugsiga sare iyo dugsiga sare ilaa waxbarashada sare. Nooca wada shaqaynu way ku kala duwan yihiin dugsiyadu, oo waxaa ku heshiiya sanadkii dugsiyada iyo dhalinyarada.  

Dugsiyada ayaa sidoo kale soo qaban qaabin kara xarumo dhalinyaro oo deegaanka ah, shaqaalaha dhalinyarta ayaa ka hadli kara hawlaha ay ka heleyaan xarumaha dhalinyarta ee booqashooyinka dugsigooda. Xarunmaha dhalinyarta Vantaa waa maaan oo wax balwadaha ah kama diraan oo waxaa loogu talo geley 10- ilaa 17-sano jir. Xarumaha dhalinyarta, dadka dhalinyarta ah waxay ka qayb galayaan hawlaha, wakhti ayay la qaadayaan asxaabtood oo waxayna samayn doonaan asxaab cusub. 

Shaqada dhalinyarta ee dugsiyada 

Lix dugsi hoosaadyo iyo lix dugsiga sare ayaa leh shaqaale dhalinyarto oo dugsiga ah oo labada gelinba shaqeeya. Shaqaalaha dhalinyarta dugsiga waxay si joogto ah uga shaqeeyaan dugsiyada si loo buuxiyo oo ay uga caawiyaan dhalinyarta iyo inay xoojiyaan badqabkooda. Sidoo kale, shaqada dhalinyarta dugsiga waxay ka taageertaa bulshooyinka dugsiga oo waxay u jihaysaa dadka dhalinnyarta ah hawlao wax u taraya wakhtiga ay firaaqa leeyihiin.  

Sida ay dadka dhalinyarta ahi ay uga faa'idaan wada shaqaynta?

Wada shaqaynta dugsiyada iyo dadka dhalinyarta ah waxay xaqiijiyaan in dadka dhalinyarta ahi ay xidhiidh la yeeshaan dad waawayn oo soo jeeda oo siiya taageerada iyo tilmaamaha ay u baahan yihin. Dadka dhalinyarta ah waxay ka faa'idaan taageerada shaqada dhalinyarta dugsiga, tusaale ahaan, xalinta mushkilada iyo xiradaha ogaanshaha dareenka; waxay helaan taageero iyo marka ay daruuri tahay, kaalmo sidii ay u heli lahaayeen (taageerada) adeegyada saxda ah. Shaqaalaha dhalinyarta waxaa loo heli karaa si fudud oo waxaa loo tegi karaa wakhtiyada fasaxyada oo barandooyinka dugsiya ayaa lagagala hadli karaa wixii msuhkilad dhalinyarto ay qabto. Shaqaalaha dhalinyarta ee dugsiga waxay isku xidhaan shaqada, marka si kale loo dhigo, waxay u keenaan adeegyada shaqada ee dhalinyarta  dhalinyada iyada oo, tusaale ahaan, gaynaya inay booqdaan xarunta dhalinyarta deegaanka iyo inay buuxiyaan shaqooyinka dhalinyarta ee deegaanka.

Maxay uga dhigan tahay wada shaqayntu shaqaalaha dugsiga iyo shaqada dhalinyarada? 

Shaqaalaha dhalinyarada ayaa sidoo kale u diyaar ah shaqaalaha dugsiga inay ka caawiyaan wixii mushkilad ah ee dadku qabaan. Shaqaalaha dhalinyarada dugsigu waxay la xidhiidhi karaan shaqaalaha dugsiga wixii ku saabsan dhacdooyin iyo xaaladaha kala duwan. Shaqaalaha dhalinyarta dugsigu waxay diyaar u yihiin inay is waydaarsadaan fikirka ku saabsan badqabka dadka dhalinyarta ah, xaalada kala duwan ee dhalinyarta ama qorshaynta barnaamijyada mashaariicda ee fasalka ee ku saabsan, tusaale ahaan, kalsooniada ama xoojinta ruuxda bulshada ama isticmaalka baraha bulshada. Marka shaqada dhalinyarta dugsiga laga heli karo wakhtiyada fasaxa, fasalada dhaxdoooda ama barandooyinka dugsiga, dhaqalaaha dhalinyarta ayaa hela macluumaad badan oo ku saabsan mawduucyada xaalada dhalinyarta ee deegaanka oo cid walbaaba u isticmaasho la shaqaynta dadka dhalinyarta ah ee dugsiga.   

Yaa lala xidhiidhayaa? 

Link: macluumaadka xidhiidhka shaqaalaha dhalinyarta dugsiga waxaa laga helayaa halkan 

Link: macluumaadka xidhiidhka xarumaha dhalinyarta dugsiga waxaa laga helayaa halkan 

Link: macluumaadka xidhiidhka dugsiga 

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)