Macluumaad wareejinta marka uu ardaygu ka gudbaayo waxbarashada aasaasiga ah ee uu ku wareegaayo waxbarashada sii soconaysa

Marka qofka dhallinyarada ah uu ka gudbaayo waxbarshada aasaasiga ah, uuna u wareegaayo waxbarashada sii soconaysa (tusaale ahaan dugsiyada xirfadaha, dugsiga sare ama waxbarashada TUVA) waa in si gaar ah tixgelinta loo siiyaa macluumaad wareejinta. Macluumaad wareejinta waxaa loola jeedaa maacluumaadka muhiimka ah ee la xiriira diyaarinta waxbarashada ardayga ee marka uu ka baxaayo waxbarashada aasaasiga ah uuna u wareegaayo waxbarashada sii soconaysa (sharciga waajibaadka waxbarashada 23 §). Marka la wareejinaayo macluumaadkaas muhiimka ah, looma baahna oggolaanshaha waalidka. Marka uu machadka ama dugsiga cusub ee ardaygu bilaabaayo uu macluumaad badan ka haysto waxbarashada aasaasiga ah ee ardayga, waxaa arrinkaas uu u sahlayaa ardayga in uu si wanaagsan u bilaabo waxbarashada dugsiga ama machadka cusub ee uu bilaabay.

Marka laga hadlaayo diyaarinta waxbarashada aasaasiga ah ee Vantaa, macluumaadka muhiimka ah waxaa loola jeedaa dukumintiyada ardayda ku jirta waxbarashada caawimaadda khaaska ah ee HOJKS iyo qorshaha waxbarashada ee ardayda ka soo wareegtay fasalka diyaarinta ee u soo gudbay waxbarashada aasaasiga ah ee fasallada 7.-9.aad. Waxaa macluumaadkaas lagu wareejin doonaa bisha siddeedaad iimeyl la xifdiyay, marka ay sugnaato goobta waxbarashada ee qofka dhallinyarada ah. Macluumaad wareejintaas waxaa ka mas’uul ah hagaha ardayda ee waxbarashada aasaasiga ah.

Waxaa intaas dheer in dhammaan ardayda fasalka 9.aad ay buuxin doonaan foomka loogu talaggalay macluumaad wareejintaas, iyadoo arrinkaasna uu ka hagi doono macallinka ah hagaha ardayda. Foomka waxaa lagu buuxin doonaa iskuulka xilliga gu’ga. Ardayga iyo waalidka ayaa foomka u gudbin doona machadka ama dugsiga waxbarashada ee cusub ee ardayga. Ujeedadda foomka macluumaad wareejinta waa in goobta waxbarashada ee cusub la siiyo macluumaadkii hore ee ku saabsanaa waxbarashada, si wadada waxbarashada ee qofka dhallinyarada ah ay u noqoto mid u socota sida ugu wanaagsan ee suuragalka ah.

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)