Tämä sivu on yli 2 vuotta vanha

Shaqo-joojinta basaska ee dhici karta ayaa waxay saameynaysaa gaadiidka dugsiyada iyo safarka lagu tegayo dugsiyada/machadyada waxbarashada

Tiedote

Iskaashatada baabuurta iyo gaadiidka ee AKT waxay bixisay digniin shaqo-joojinta oo quseysa shaqaalaha basaska. Haddii aanan heshiis lagu gaarin wadaxaajoodyada socda, shaqo-joojintu waxay billaabanaysaa Arbacada 1.3. waxayna dhammaanaysaa Jimco 10:ka Maarso.

Vantaa kaupunki /Sercan Alkan

Shaqo-joojinta basasku waxay saameynaysaa ardayda dugsiga bas ku timaada. Lama qabanqaabinayo gaadiid buuxinaya booska basaska oo aadaya dugsiyada iyo machadyada waxbarashada. 

Tagaasida dugsiyadu si caadi ah ayeey u shaqaynayaan. 

Waxbarashada aasaasiga ah 

Shaqada dugsiga waxaa loo qabanayaa si caadi ah oo waafaqsan jawdwalka waxbarashada ardayga, xittaa haddii ay dhacdo shaqo-joojinta suuraggalka ah. Dugsiga ayaa qoysaska ku wargelinaya, haddii shaqo-joojintan darteed uu isbeddel yar ku yimaado jadwalka waxbarashada ardayga. 

Haddii inta lagu jiro shaqo-joojinta dhici karta ay waalidku ardayda baabuur ku keenayaan dugsiga, waxaan codsanaynaa in taxaddar gaar ah la yeesho marka gaadiidka lagu imaanayo, si bannaanada dugsiyada iyo deegaannada u dhow ay u sii ahaadaan goobo si ammaan ah loogu socon karo.  

Haddii ay noqoto in cunuggu uu dhibaato gaadiidka la xiriirta darteed guriga u joogayo, waalidku waa in uu sameeyaa wargelinta maqnaanshaha ardayga. 

Dusgiyada sare yo Varia 

Waxaa loo arkayaa, in ardayada waxbarashada heerka labaad ay goobaha waxbarashada imaanayaan. Haddii qaar ka tirsan ardaydu ay shaqo-joojinta darteed u imaan waayaan goobta waxbarashada, macallinka ayaa haddii loo baahdo furi kara marka xiisadaha lagu jiro khad internetka ah, haddii ay waxbarashadu suuraggelinayso. 

Ardayda xirfadaha barta ee ku jira xilliga wax ku barashada goobta shaqadu waxay si gaar ah qabanqaabada hawshan ugala heshiinayaan goobta wax ku barashada shaqada.  

Barbaarin-horaadka 

Si caadi ah ayaa loo qabanqaabinayaa barbaarin-horaadka, xittaa haddii ay shaqo-joojintu dhacdo. Waxaa waalidiinta laga codsanayaa in iyagoo raaca habka caadiga ah, ay xannaanada ku soo wargeliyaan, haddii uu cunuggu maqnaanayo.  

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)