Tarjumaadda kambuyuutarku waxay kaa caawinaysaa fahamka vantaa.fi

Uutinen

Bogagga shabakadda Vantaa waxaa iyadoo kambuyuutar lagu turjumayay hadda lagu helayaa in ka badan boqol luqadood. Tarjumaadda kambuyuutarku waxay kaa caawinayaa fahamka waxyaabaha uu boggu ka kooban yahay, gaar ahaan marka aan la hayn turjumaad rasmi ah.

Työllisyyspalveluiden neuvonta

Badhanka tarjumaadda kambuyuutarka waxaa laga helaa geeska sare ee dhanka midig ee bogga, taas oo dhanka bidix uga taal tarjumaadyada rasmiga ah. Luqadaha rasmiga ah ee Vantaa.fi waa finnish, iswiidhish iyo ingiriis. 

Badhanka waxaa la isticmaali karaa marka lagu jiro muuqaalka kambuyuutarka caadiga ah. Moobaylka marka lagu jiro waxaa la isticmaali karaa qaybihiisa tarjumaadda ee borowsarka.

Waxaa badhanka lagu arkayaa qoraallada ku jira bogga ee tarjumaadda kambuyuutarka. Maadaama waxa laga hadlayo uu yahay tarjumaad uu kambuyuutar sameeyay, waxaa si kastaba ha ahaatee ku jiri kara khaladaad ama qabyo. 

Adeegga waxaa bixinayaa tarjumaanka Google (Google Kääntäjä). Haddii ay warbixinta meesha ku qoran leedahay tarjumaad rasmi ah, waxaa wanaagsan in taas la isticmaalo. 

Vantaa waxaa looga hadlaa in ka badan 120 luqadood. Luqadda qalaad ee ugu badan waa ruush. Kala wareegga sannadkii 2021 iyo 2022, boqolkiiba 23 dadka reer Vantaa waxay ahaayeen kuwa ku hadla afaf qalaad.

Badhanka tarjumaadda waxaa laga helaa vantaa.fi iyo dhammaan bogagga la xiriira mowduucyada kale, tusaale ahaan bogagga Business Vantaa.
 

Avainsanat

MonikielisyysSomalinkielinen (Soomaali)