Gobolada- iyo degmooyinka 2025

Asiasanat

Demokratia & osallisuus

Gobolada- iyo degmooyinka doorashooyinka hor dhaca ah waxaa la qabanayaa 2.4.–8.4.2025 iyo maalinta ugu dambeysa doorashooyinka waa axada 13.4.2025. Haddan nahay reer Vantaa waa in aan codeynaa si aan saameyn ugu yeelano cida go’aanka ka gaareysa adeegyada muhiimka ah ee nolol maal meedkeena afarta sano ee soo socoto. Gobolada – iyo degmooyinka doorashadooda waa mid dimoqraadi ah.

Gobolada doorashooyinkooda waxaan dooraneynaa 69 xildhibaan gobolka Vantaan iyo Keravan ee ah gobolada bixiya adeegyada wanagsan golohawakiilada. Gobolada bixiya adeegyada wanaagsan ayaa masuul ka ah diyaarinta adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee gobolka iyo howlaha badbaadinta. Doorashada degmooyinka waxaa la dooranayaa 67 xildhibaan golaha degaanka ee Vantaa. Golaha degaanka waxa uu go’aamiyaa adeega degmada, waxbarashada iyo deegaanka marwalba dhaqanka iyo cimilada.

Yaa codeyn kara doorashooyinka gobolada- iyo degmooyinka?

Gobolada- iyo degmooyinka doorashadooda waxaa xaq u leh inuu codeeyo qof degan gobolada iyo degmooyinka oo finish ah, wadama midoowga Yurub iyo Island iyo Norwey  dadka u dhashay kuwaas oo 18jir gaaray 13.4.2025. Intaa waxaa dheer xuquuqda cod bixinta waxaa leh oo kale degmada/gobolka ajaaniibta degan gaarayna da’da 18jir, haddii uu deganaa si xiriir ah muddo laba sano ah. 

Xagee laga codeynayaa?

Gobolada- iyo degmooyinka codeynta hor dhaca ah waxaa la qabanayaa 2.4.-8.4.2025 iyo maalinta codbixinta oo ah axada 13.4.2025. Codeynta guriga is diwaangelinteeda waxay ku eg tahay 1.4.2025 sac: 16.00. Waqtiga codeynta hordhaca ah adiga ayaa dooranaya meesha kuugu haboon cod bixinta ee Vantaa ama meel kasta oo Finland ah. Vantaa waxaa ku yaal 13 goobood oo cod bixin ah iyo bas laga codeyn karo. Baska cusub ee doorashada waxa uu ku wareegayaa Vantaa oo dhan xilliga cod bixinta hordhaca ah. Maalinta cod bixinta waxaad ka codeyn kartaa goobtaada cod bixin oo kali ah. Si aad u codeyso soo qaado kaarka aqoonsigaaga ee waqtigiisa aan weli dhicin- aqoonsiga wadista gaadiidka ma lagaa aqbalayo!

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)