Macluumaadka la daabacay ku saabsan ardayda fasalka koowaad ee cusub ee dugsiga mustaqbalka

Uutinen

Asiasanat

KoulutusLapsiperheetOppilaat

Waalidiinta/masuuliyiinta ardayda cusub ee fasalka koowaad waxay hadda arki karaan Wilma oo ah dugsiga uu ilmahoodu bilaabi doono dayrta 2024. Haddii aadan bixin oggolaanshahaaga la xariira isticmaalka adeegyada elektarooniga ah, go'aanka dugsiga deegaanka ilmahaaga ayaa lagu soo diri doonaa guriga ayadoo la adeegsanaayo boosto. Qoraalkaan wuxuu sidoo kale ka kooban yahay hagitaan iyo taariikho muhiim ah oo ay tahay inaad hubiso.

Codsiga Wilma 

Wilma waa buug horumar oo elektaroonig ah ee la xariira xiriirka u dhaxeeya dugsiga iyo guriga, oo ku shaqeeyo interneet. Halkaan ka gal Wilma. 

Waxaad webseedka Vantaa ka heli kartaa tilmaamo ku saabsan sida loo isticmaalo Wilma. Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xogta Vantaa iyo dugsiga cunugaaga. Halkaan ka eeg xogta xiriirka ee ku saabsan Macluumaadka Vantaa.  

Maalinta Xogaha Hordhaca ah, 8 Maayo 2024 

Ardayda fasalka koowaad ee cusub waxay heli doonaan fursad ay ku booqdaan dugsigooda mustaqbalka markay taariikhdu tahay Arbacada 8 Maayo 2024. Maamulayaashu waxay soo diri doonaan casuumaad faahfaahsan oo dheeraad ah maalinta hordhaca iyadoo la adeegsanaayo Wilma.  

Codso hawlaha dugsiga kadib ee lagu bixiyo kharashka kahor 30 Abriil 2024 

Ururada gaarka ah, kaniisada, isbahaysiyada iyo ururadu waxay qabanqaabiyaan waxqabadyada dugsiga kadib ee ka dhaca dugsiyada Vantaa ama xarumaha ku yaala agagaarka dugsiyada. Codso hawlaha dugsiga kadib adoo adeegsanaaya Wilma kahor 30 Abriil 2024.  

Waxaad halkaan ka heli kartaa tilmaamo ku saabsan sida loo codsado iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlaha dugsiga kadib.  

Codso dheefta gaadiidka dugsiga kahor 28 Abriil 2024 

Waxaad codsan kartaa dheefta gaadiidka dugsiga, kaarka socdaalka iyo ku safrida taksiga ee loogu talagalay cunugaaga adoo adeegsanaaya Wilma kahor 28 Abriil 2024. 

Ka hel halkaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha dheefta gaadiidka dugsiga.  

Ku qor cunugaaga inuu wax ku barto afkiisa hooyo 

Haddii luuqada hooyo ee cunugaaga aysan ahayn Finnish, ka qor casharada lagu baranaayo luuqadiisa hooyo.  

Waxaad cunugaaga ku qori kartaa inuu wax ku barto luuqadiisa hooyo maalinta la sameynaayo hordhaca ardayda fasalka koowaad ee cusub ayna taariikhdu tahay 8 Maayo 2024. Waxaad dugsiga ka heli kartaa foomka isdiiwaangelinta. Sidoo kale waxaad diiwaangelin kartaa Agoosto marka dugsigu bilaabanaayo. 

Akhriso xog badan oo ku saabsan waxbarashada afkiisa hooyo.

Ma dhawaan ayaad usoo wareegtay Vantaa?  

Marka qoysasku usoo wareegaan Vantaa, maamulaha deegaanka ayaa ilmaha ku qora dugsiga deegaanka. Waxaad halkaan ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah iyo tilmaamo ku saabsan sida loo diiwaan geliyo ilmaha.

Sidoo kale macaluumado badan oo luuqadaha badan ku hadla ayaa kaa caawinaya in ilmahaaga aad iskuulka dhigato. Luqada Finnishka iyo Ingiriiska waxaa kale oo ay ku hadlaan af carabi, albaani, soomaali, ruush iyo istooniyaan. Macluumaadka xiriirka ee hagayaasha luqadaha badan waxad ka heleysaa boggan.

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)